SILSILADA CABSIDA: Cabsi Galinta Ururka ISIS Ee Koobka Aduunka Oo Halkeeda Ka Sii Socota Iyo Cristiano Ronaldo Oo Noqday Bartilmaameedkii Ugu Danbeeyay Oo Sawiro Naxdin Ah Laga Sameeyay.

Ururka ISIS ee bariga dhexe ka dagaalama ayaa sii wada in uu cabsi galiyo koobka aduunka ee Russia waxayna markan sawiro naxdin iyo cabsi galin ah ka soo sameeyeen xidiga xulka qaranka Portugal iyo kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo. Ururka ISIS ayaa ayaa hore u so bandhigay sawiro cabsi galin ah oo laga sameeyay Lionel Messi iyo Neymar Jr si la mid ah macalinka xulka qaranka France oo ay ku tilmaameen cadowga Illaahay.

Laakiin waxay ISIS sii wadaan in ay koobka aduunka cabsi dheeraad ah ku sii abuuraan iyaga oo markan soo qaatay sawirka Cristiano Ronaldo nin afka soo duubtay uu midi la dultaagan yahay isla markaana la soo raaciyay qoraal iyo astaanta koobka aduunka ee Russia 2018.

Sawirka cabsida lagu abuuray ee Ronaldo ayaa la soo raaciyay qoraalkan: “Kalmadahayagu  waa waxa aad aragtaan ee ma aha waxa aad maqashaan. Sidaa daraadeed, kaliya waad sugaysaan, anaguna sidoo kale waanu idin sugaynaa”.

Sawirada cabsi galinta koobka aduunka ee ay ISIS dacaayad ahaanta u adeegsanayso ayaa maalmihii ugu danbeeyay si wayn u haystay saxaafada kubbada cagta aduunka iyo sidoo kale saxaafada kale ee aduunka iyada oo ISIS oo ay Russia ku dagaalamayaan Suuriya waxaana jira cabsi isa soo taraysa iyo hanjabaada ISIS oo sii kordhaysa.

ISIS ayaa maanka ku haysa saamaynta ay ciyaartoyda aduunka ugu fiicani ku leeyihiin jamaahiirta iyo qaramada aduunka iyo waliba dalka marti galinaya waana sababta ay u soo qaateen sawirada Lionel Messi, Neymar jr iyo hadda oo Ronaldo uu ugu danbeeyay.

Waxaana sawiradii hore la soo raaciyay qoraalo cabsi loogu abuurayo jamaahiirta iyo marti galiyaasha koobka aduunka iyada oo ay taasi keenayso in Russia ay si aan hore loo arag u adkayn doonaan amaanka garoomada lagu qaban doono koobka aduunka ee dalkooda ka furmi doona sanadka soo socda.

Comments

comments