“Siiya Wakhti Uu Arrimaha Ku Bedelo” – Murashax Ahna Halyeey Lala Xidhiidhinayay Jagada Tababarenimo Ee Arsenal Oo Unai Emery Taageeray.

Halyeeyga kooxda Arsenal ee Patrick Vieira oo kamid ahaa xiddigihii Gunners ee horyaalka guuldarro la’aanta ku qaaday ayaa ka hadlay wax ku saabsan xaalada kooxdiisii ee haatn iyo tababaraha wakhtigu ku xun yahay ee Unai Emery.

Vieira waa mid kamida macalimiinta lala xidhiidhinayo jagada tababarenimo ee kooxda walow uu haatan qandaraas kula jiro kooxda dalkiisa France ee Nice.

Image result for Patrick Vieira"

Vieira oo saddex jeer kusoo guuleystay horyaalka ayaa aaminsan in wakhtigani uu yahay midkii ay Arsenal midoobi lahayd isagoo dhinaca kale madaxda kooxdiisii hore kula taliyay inay fursad siiyaan Emery si uu waxyaabaha xun dhinaca wanaagsan ugu rogo.

Patrick ayaa yidhi “Waa dhab Arsenal wakhti adag ayay maraysaa, Laakiin anigu maan daawan dhammaan kulamadooda sidaas darteed kama hadli karo ciyaartooda”.

Advertisements

“Waxay haystaan tababare shaqada garanaya oo si wacan u shaqeeya, Marka ay kooxi wakhti adag qaadanayso waa muhiim in la midoobo, Waxaan filayaa inuu leeyahay khibrad ku filan oo uu iyaga kaga saaro wakhtigan adag”.

‘Waa inaynu ka dambayno oo aynu siino wakhti uu ku bedelo arrimaha, Anigu ma hubo haddii tababare bedelid ay dhibaatada hagaajin doonto”.

 

Advertisements