Siduu Ahaa Qolka Labiska Ciyaartoyda Chelsea Kadib Ceebtii Man City? N’Golo Kante Oo Ka Warbixiyay Iyo Falcelintii Xidigaha Kooxdiisa Ee Etihad Stadium.

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Chelsea ee N’Golo Kante ayaa daboolka ka qaaday in wejiyada ciyaartoyga kooxdiisu ay la madoobaadeen niyad-jab darteed, kaddib bahdilaaddii 6-0 ahayd ee ay Manchester City u xambaarisay Axaddii.

Saddexley uu Sergio Aguero ka dhaliyey, laba uu Raheem Sterling u raaciyey iyo mid uu kusii saqiiriyey Ilkay Gundogan ayaa Man City ka caawiyey in garoonka Etihad Stadium ay ku garaacdo 6-0 Chelsea oo la hoyatay guul-darradeedii xumayd intii ay jirtay.

25-kii daqiiqadood ee ugu horreeyey ayey Man City shaqaysatay, waxaanay dhaliyeen 4 gool.

Laacibka madaalaha ah ee khadka dhexe ee N’Golo Kante ayaa ka sheekeeyey sidii uu qolka labbiska ee kooxdiisu ahaa habeenkaas, waxaana uu tilmaamay in hadda ay u kacayaan dagaal ay u galaan sidii ay iskaga maydhi lahaayeen ceebtaas.

“Way adag tahay in la sharraxo (jewigii qolka lebbiska)” Ayuu yidhi Kante oo u warramay website-ka kooxdiisa, waxaanu intaa ku daray: “Way na baabi’iyeen. Waxay ahayd guul-darro caam ah.”

N’Golo Kante waxa uu qirtay in daqiiqaddii ugu horreysay illaa dhamaadkii ay kooxdiisu ahayd mid burbursan oo iska qaban kari weyday Man City, waxaanu yidhi: “Waxay na baabi’iyeen daqiiqaddii ugu horreysay illaa tii ugu dambaysay, isbeddelkana waxay sameeyeen daqiiqaddii ugu horreysay ee qaybta hore. Wayna nagu adkayd inaanu ka daba-tagno.”

“Way adag tahay in la aqbalo guul-darradan weyn, laakiin ciyaaro badan ayaa noo hadhay oo aanu madaxayaga kor ugu soo qaadi karno, sidoo kalena na siin kara rajo wanaagsan dhamaadka xili ciyaareedkan.” Ayuu ku daray.

Ugu dambayn, waxa uu Kante sifeeyey sidii ay ahaayeen wejiyada ciyaartoyga kooxdiisu, waxaanu yidhi: “Dhamaantayo waxa wejiyadayada ka muuqaday nabarrada niyad-jabka. Laakiin wax badan ayaanu tan ka baranaynaa, waxaanau rajaynaynaynaa in aanaan mustaqbalka geli doonin khaladkan oo kale.”