Siduu Ahaa Dareenka Xiddigaha Real Madrid Kaddib Kulankii Ay Barcelona 5-0 Kaga Adkaatay Sanadkii 2010, Muxuuse Jose Mourinho U Sheegay Kulanka Kaddib? Jerzy Dudek Oo Wax Badan Dibada Soo Dhigay.

Goolhayahii hore ee kooxda Real Madrid ee Jerzy Dudek oo ahaa shaqsi kooxda soo joogay sanado dhawr ah ayaa daaha ka qaaday xaaladii qolka labiska ee Real Madrid ee kulankii taariikhiga ahaa ee ay Barcelona 5-0 ka uga adkaatay iyo waliba khudbadii dareenka lahayd ee uu Jose Mourinho u jeediyay xiddigaha kooxdiisa.

Dudek ayaa wakhtiyadii Jose Mourinho qayb ka ahaa safka kooxda waxaana uu tababaraha haatan ku dhibaataysan Manchester United ku sheegay mid kamid ah shaqsiyaadka takhasuska ku ah cilmi nafsiga ee kubadda cagta ku sugan kuwooda ugu fiican kaddib khudbadii uu waxkasta ku bedelay ee kulankaas ka dambaysay.

Sanadkii 2010 ayay ahayd markii ay Barcelona qaab naxariis la’aan ah 5-0 ugu jiidhay Real Madrid xilli ciyaareedkii ugu horreeyay ee Mourinho, Sergio Ramos ayaana dhammaadkii kulankan kaadhka cas loo taagay kaddib is-qab qabsi badan.

Haddaba, Dudek ayaa ka sheekeyay hadaladii uu Jose qalbiga xiddigaha kooxdiisa ku taabtay, Goolhayahan hore ayaa ku warramaya in xiddigaha qaar ay ooyayeen, Qaar kale ay doodayeen balse uu Jose u sheegay inay Barcelona u dabaal degayso sidii oo ay Champions League qaaday balse ay kaliya hal kulan guulaysteen isaga oo intaa kaddib siiyay hal maalin oo fasax ah.

Jerzy Dudek ayaa hadalkiisa ku daah furay “Kaddib kulanka qolka labiska dhexdiisa, Waxa jirta fawdo guud qaar naga mid ahi way ooyayeen, qaar kale way doodayeen halka qaar ay eegayeen saqafka”

“Kaddib Mourinho ayaa yimid, Isagu wuu ogaa intee in le’eg ayay ahayd mid xun laakiinse anaga ayuu na eegay waxaana uu yidhi ‘Waan ogahay in midani ay idin dhaawacayso, Laga yaabaa intiina ugu badan waa guuldaradii ugu xumeyd ee waayihiina oo dhan”

“Way faraxsan yihiin hada waxaana ay u muuqdaan kuwo ku guuleystay Championship, Laakiin kaliya waxa ay guulaysteen hal kulan tani waa kaliya bilawga”

“Wali waxa jira wado dheer oo loo maro helitaanka koobka, Berrito waxaan idin siin doonaa maalin fasax ah, Laakiin ha joogina gurihiina balse raaca qoysaskiina, carruurtiina iyo asxaabtiina idinka oo kusoo wareegaya magaalada”

“Dadku ha arkaan inaad ka guulaysateen midan (Murugada guuldarada) waa inaad ciyaartiina muujisaan kaddib guuldaradan, Waxa inagu waajib ah inaan u dagaalano koobka”

“Waanu soo kacnay kaddib dhibaatadan si ka dhakhso badan sidii cidkasta filaysay, Waxaan fahmay markii ugu horreysay sida uu cilmi nafsigu muhiim ugu yahay ciyaaraha”