“Sidii Aan Horeba U Sheegay, Malaha Sababta Aan Rigooraha U Khasaariyay Waa Inaysan Xaaskaygu Daawanayn Kulanka!!”

Weeraryahanka dhawaan galka ah ee kooxda Barcelona ee Antoine Greizmann ayaa ka yaabsaday saxaafada kaddib kulankii uu xalay gool kulaadka ka khasaariyay xulkiisa Franke walow ay guul 4-1 ah ka gaadheen dhigooda Albania.

France ayaa kulankaas afarta gool ka kala helay Kingsley Coman oo laba gool dhaliyay, Olivier Giroud iyo Jonathan Ikone balse Greizmann ayaan gool u sarifin rigoore uu goolka shanaad ku dhalin karayay.

28 jirkan ayaa haatan sheegay inuusan garanayn sababta uusan u dhalinin gool kulaadkaas balse waxa uu ku kaftamay inuu khasaariyay sababtoo ah inaysan xaaskiisu kasoo qayb galin kulanka oo aysan daawan.

Dhinaca kale Greizmann ayaa sameeyay balanqaadka ah inuu horumarin ku samayn doono rigoorayaasha iyo qaabka uu u tuuro isaga oo dhinaca kale xusay in aan markasta gool loo bedeli karin.

Antoine ayaa hadalkiisa ku furtay “Anigu ma garanayo (Sababta aan u khasaariyay), Anigu ma garanayo, Sidii aan horeba u sheegay malaha sababtu waa in xaaskaygu aysan daawanayn”.

“Waxaan ku jiray qaab wanaagsan, Laakiin inagu rigoorayaasha ma dhalin karno markasta, Aad ayuu u xumaa, Waa inaan ka shaqeeyaa”.

Dhacdada kale ee ka dhacday gegida ee layaabka lahayd ayaa ahayd in kulankan furitaankiisii laga shiday hees calan balse aan ahayn heesta calanka xulka Albania ee France wajahayay walow ugu dambayn la xaliyay dhibkaas.