Siday Codkii Ballon D’Or U Kala Heleen Shantii Xidig Ee Kaalmaha Ugu Sareeya Galay?

Advertisements

Kadib markii uu xalay Lionel Messi ku guulaystay abaal marinta Ballon d’Or waxaa hadda si rasmi ah loo shaaciyay codkii uu ku garaacay xidigihii kale ee abaal marintan kula tartamayay.

Lionel Messi ayaa markii lixaad oo rekoodh aduun ah ku guulaystay abaal marinta Ballon d’Or isaga oo dhaafay Cristiano Ronaldo oo ay min shan jeer hore uwada haysteen.

Laakiin Lionel Messi ayaa dirqi kaga baxsaday in Virgil Van Dijk kaas oo kaalinta labaad ka galay codbixintii Ballon d’Or waxaana muuqata sida layskugu dhawaa ee uu tartanku u ahaa mid adag.

Lionel Messi waxa uu abaal marinta Ballon d’Or ugu guulaystay cod dhan 686 cod wuxuuna 7 cod oo kaliya kaga sare maray Virgil Van Dijk oo kaalinta labaad galay.

Advertisements

Difaaca xulka qaranka Netherlands iyo kooxda Liverpool ee Virgil Van Dijk ayaa kaalinta labaad ku galay 679 cod taas oo muujinaysa sida uu ugu dhawaaday in uu Lionel Messi abaal marintan kula tartamo.

Cristiano Ronaldo ayaa kaalinta saddexaad ku galay 476 cod wuxuuna Lionel Messi ka hooseeyaa 210 cod taas oo ah farqi aad u wayn.

Waxa kale oo uu Cristiano Ronaldo is arkay isaga oo Van Dijk oo kaalinta labaad ku jira hoos uga dhacay 203 cod.

Sadio Mane ayaa kaalinta afraad ku galay 347 cod halka Mohamed Salah oo kaalinta shanaad buuxiyay uu helay 178 cod.

Halkan kaga bogo Qaabkii loo kala helay codka shantii xidig ee ugu sareeyay Ballon d’Or:

Advertisements