Siday Ciyaartoyda Iyo Shaqaalaha Tababarka Xulka Qaranka Spain Uga Falceliyeen In Real Madrid Ay Julen Lopetegui U Magacowday Booskii Zidane.

Maamulka kooxda Real Madrid ayaa si rasmi ah u shaaciyay in tababaraha xulka qaranka Spain ee Julen Lopetegui uu badali doono Zinedine Zidane oo dhawaan iskaga tagay shaqada tababaranimo ee Los Blancos kadib markii uu muddo laba sano iyo badh ah soo hayay.

Dad badan ayay lama filaan ku noqotay markii ay Real Madrid ku dhawaaqday in Julen Lopetegui uu macalinkeeda cusub yahay iyada oo si wayn loo hadal hayay tababarayaal kale isla markaana aanu isaga si wayn uga dhex muuqan magacyadii sida xoogan looga hadlayay.

Haddaba siday uga falceliyeen shaqaalaha iyo ciyaartoyda xulka qaranka Spain markii ay Real Madrid ku dhawaaqday in ay Julen Lopetegui u dooratay tababaraha kooxdeeda Madrid?.

Wargayska Sport ayaa wax ka qoray falcelintii ciyaartoyda xulka qaranka Spain iyo shaqaalaha tababarka wuxuuna sheegay in ayna wax war ah ka sii hayn in Julen Lopetegui loo magacaabayo shaqada tababaranimo ee Real Madrid isla markaana ay layaab ku noqotay qof kasta oo ciyaartoyda Spain iyo shaqaalaha ka mid ah.

Wargayska Sport ayaa sheegay in shaqaalaha iyo ciyaartoyda xulka qaranka Spain ee ku sugan Krasnodar ayna waxba kala socon markii ay maamulka Madrid iyo Julen Lopetegui uu wada xaajoodku u socday waxayna sida dad waynaha ku war heleen ku dhawaaqistii Madrid ee Julen Lopetegui.

Laakiin ciyaartoyda Real Madrid ee xulka qaranka Spain ayaa sii ogaa in kooxdoodu magacaabi doonto Julen Lopetegui balse waxay ahayd arin aan la doonayn in la sii ogaado si loogu war helo ku dhawaaqista rasmiga ah inkasta oo qaar ka mid ah saxaafada xarunta tababarka Spain ay wararkan sii sheegeen.

Laakiin marka laga reebo ciyaartoyda Real Madrid ee ka tirsan xulka qaranka Spain waxay inta kale oo dhan ku haayd arin lama filaan ah iyo ku soo boodo waxayna ku war heleen magacaabista Julen Lopetegui ee kooxda Real Madrid.

Dhinaca kale xubno muhiim ah oo ka tirsan xidhiidhka kubbada cagta ee RFEF waxayna taasi keentay in isla markii ay ogaadeen in Real Madrid ay ku dhawaaqday heshiiska Julen Lopetegui ay iyaguna dhinacooda ka shaaciyeen iyaga oo waliba aad uga xun maadaama oo uu dhawaan heshiis cusub saxiixay Julen Lopetegui.

Laakiin madax waynaha xidhiidhka kubbada cagta Spain ee Luis Rubiales oo dhawaan xilkan loo soo doortay ayaa wixii ugu horeeyay ee uu qabtay ka dhigtay in uu heshiis cusub ka saxiixday macalinka xulka qarankiisa Julen Lopetegui laakiin muddo kooban waxa uu sii ogaa wada xaajoodka uu Real Madrid kula jiray.

Si kastaba ha ahaatee, inkasta oo ay ciyaartoyda xulka qaranka Spain intooda ugu badan layaab ku noqotay in macalinkooda Julen Lopetegui uu noqday tababaraha cusub ee Real Madrid waxay muujiyeen dareen farxadeed oo ay isla xarunta tababarka ugu qaabileen.