Sida Uu Ugu Qanciyay Raul Gonzalez In Waqti Dheer Uu Ku Qaato Real Madrid, In Uu La Dhacsan Yahay Shaqada Simeone & Dhowr Arimood Uu Ka Hadlay Jorge Valdano.

Jorge Valdano oo horey u soo xirtay maaliyada kooxda Real Madrid isla markaana tababare kasoo noqday kooxda kooxda Los Blancos ayaa qiray in Raul Gonzalez uu si xoogan u doonayay dib ugu laabashada kooxda Atletico Madrid, balse Valdano uu ku guuleystay inuu kahor istaago xiisaha ciyaaryhanka, si uu u sii joogo garoonka Santiago Bernabéu.

Macalinkii hore kooxda Real Madrid ayaa wareysi uu bixiyay waxaa soo xigtay wargeyska “AS” ee dalka Spain wuxuuna yiri: “Intaan imaanin kahor Real Madrid, waxay sameeyeen saiixa Raul Gonzalez oo ay kala soo saxiixdeen Atletico Madrid, balse waxaa la ii sheegay inuu doonayo dib ugu laabashada kooxdiisii hore, laakiin waxaan ku qanciyay inuu sii joogo kooxda waana ay dhacday”.

Jorge Valdano ayaa wuxuu sido kale ka hadlay Diego Simeone wuxuuna yiri: “Inigu kama mid ihi dadka la dhacsan Diego Simeone, laakiin waxaan jeclahay habka uu wax u hogaaminayo, sida uu kaga dhaadhiciyo fikradiisa ciyaartoyda kooxdiisa, aad ayaan u ixtiraamaa Simeone, sababtoo ah waa shaqsi ku xamaasadeysan kubada cagta”.

si kastaba Jorge Valdano ayaa tababare ka ahaa Real Madrid inta u dhaxeysay 1994 ilaa 1996 wuxuuna kula guuleystay horyaalka La Liga ee dalka Spain. balse shaqada kale ee lagu xasuusan karo ayaa ahayd in uu caalamka tusiyay halyayga Raul Gonzalez, kadib markii uu ku qanciyy inuu sii joogo Los Blancos kahor inta uusan ka dhaqaaqin, waxaana badalkiisa xiligaas uu noqday Fabio Capello.

Valdano ku soo laabtay kooxda Real Madrid kadib markii uu kooxda madaxweyne ka noqday  Florentino Perez sanadii 2000, laakiin markan wuxuu ku yimid in uu kooxda u noqdo agaasimaha ciyaaraha ee kooxda, wuxuuna Perez  kala shaqeeyay in kooxda si weyn loo xoojiyo kadib markii ay sameeyeen saxiixyo waaweyn ee muhiim ah sida Louis Figo, Zinedine Zidane, Ronaldo de Lima, David Beckham iyo Michael Owen.