Sida Uu U Arko Kulanka Ay Booqan Doonaan Atletico Madrid, Imaatinka Neymar Jr Ee Kooxda Real Madrid & Waxyaabo Badan Uu Ka Hadlay Laacibka Reer Brazil Ee Casemiro.

Ciyaaryahanka khadka dhexe reer Brazil iyo kooxda Real Madrid Casemiro ayaa sheegay in albaabada garoonka Santiago Bernabéu ay u furan yihiin laacibka ay isku dalka kasoo wada jeedaan ee kooxda Paris St Germain Neymar Jr.

Madaalaha Los Blancos Casemiro ayaa arinta kaga hadlay mar uu la hadlayay radio “Cadena Cope” ee dalka Spain waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Neymar Jr waa xiddig weyn oo muhiim ah, wuxuu leeyahay hibo aad u weyn, waa mid ka mid ah seddexda ciyaaryahan ee ugu fiican adduunka xiligan la joogo”.

Casemiro ayaa hadalkiisa sii sharaxay: “Waxaan si wada jir ah ugu kaftanaa xili kasta wararka ku aadan imaatankiisa kooxda Real Madrid, laakiin sida aan aaminsanahay, wuxuu isagu ku faraxsan yahay joogista kooxda  Paris St Germain”.

Laacibka ree Brazil ayaa wuxuu hadalkiisa intaa sii raaciyay: “Dabcan Neymar si wanaagsan ayuu u garanayaa waxa uu doonayo inuu sameeyo, waa ciyaaryahan weyn, Real Madrid aad ayeey u soo dhaweyn doontaa hadii ay heli laheed saxiixiisa, dabcan waxaan rajeynayaa inuu nagu soo biiri doono, inkastoo aan xaqiijiyay inuu ku faraxsan yahay kooxdiisa haatan”.

Sidoo kale Casemiro ayaa wuxuu ka hadlay kulanka Sabtida ee Madrid Derby, wuxuuna sheegay inuu yahay kulan aad u adag, wuxuuna sidoo kale tilmaamay in kulanka uu noqon doono mid aad u xiiso badan, maadaama markii ugu horeysay ay booqan doonaan garoonka cusub Atletico Madrid ee Wanda Metropolitan.

Casemiro ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay inuu diyaar u yahay in kulanka uu si wanaagsan uu kaga qeyb qaato in kastoo kulankii saaxiibtinimo ee xulka qaranka England ay la ciyaareen uu ciyaaray 90-ka daqiiqo, xili sidoo kale uu xaqiijiyay inaysan wanaagsaneen in markale ay dhibco isla lumiyaan.

Ciyaaryahanka khadka dhexe kooxda Real Madrid ayaa hadalkiisa kusoo gabagabeeyay ka hadlida sida uu ugu faraxsanyahay soo laabashada saaxiibkiis Dani Carvajal kadib markii uu ka soo kabsaday xanuunkii dhanka wadnaha ahaa, isagoo sidoo kale ugu hambalyeeyay Cristiano Ronaldo cunugiisii cusub.

Comments

comments