Sida Jamaahiirta Chelea Oo Kale Ayaanu Ka Cabsanaynaa Bixitaanka Eden Hazard- Xidig Blues Ka Tirsan Oo Soo Gudbiyay Cabsiada Qolka Labiska Kooxdiisa Ee Bixitaanka Hazard.

Chelsea ayaa isku diyaarinaysa nolol uu Eden Hazard ka maqan yahay kadib markii uu xidhiidhka kubbada cagta aduunka FIFA soo diiday in la hakiyo ganaaxii suuqa ee lagu soo rogay inta go’aanka laga gaadhayo rafcaanka ay qaateen, wuxuuna go’anka FIFA noqday mid amakaag iyo u qaadan waa ku ah maamulka sare ee Chelea.

Chelsea ayaa markii ganaaxa labada xili suuqa ahaa lagu soo rogay waxay rafcaan u qaateen maxkamada xalinta khilaafaadka Sportska ee CAS waxayna filayeen in qaabkii Barcelona ee sanadkii 2014 kii ay suuqa xagaaga fursad u helaan isla markaana ay sameeyaan saxiix kasta oo ay u baahan yihiin, balse FIFA ayaa si lama filaan ah u diiday in muddada rafcaanku socdo ay Chelsea hesho fursad ay suuqa ku gali karaan.

Haddaba waxaa laga cabsi qabaa in Eden Hazard uu qayb ka noqon doono isbadalka wayn ee uu Zidane ka samayn doono Real Madrid kadib markii uu toban bilood kadib soo laabtay, waxaana burburtay rajadii ay Blues ku doonaysay in ay Zidane keento Stamford Bridge si uu Hazard isna kooxda ugu sii nagaado.

Laakiin cabsida jamaahiirta Chelsea haysaa kali kuma aha waxaana la qaba ciyaartoyda kooxdooda kowaad ee Blues sida uu shaaciyay mid ka mid ah xidigaha Blues kaas oo cadeeyay in ay ka cabsi qabaan bixitaanka Hazard oo uu si wayn u amaanay.

Xidiga kooxda Chelsea ee Emerson Palmieri ayaa soo bixiyay qish ku saabsan sida ay ciyaartoyda kooxdiisu uga cabsadaan in Eden Hazard uu ka baxo kooxdooda wuxuuna ku tilmaamay ciyaartoy heer kale ku ah Blues.

Emerson Palmieri oo Eden Hazard ka hadlaya ayaa yidhi: “Maalin kastaba isagu waxa uu muujiyaa sida uu muhiim u yahay. Xaqiiqadii waxaanu haysanaa ciyaartoy badan oo tayo leh, laakiin isagu waa heer kale waana mid ka mid ah kuwa aduunka ugu fiican”.

Intaa kadib Emerson Palmieri ayaa soo bandhigay sida ay ciyaartoyda kooxdiisu uga cabsadaan in uu Hazard baxo wuxuuna yidhi: “Shaqsi ahaan anigu ma arko isaga oo baxaya, laakiin kubbada cagta waligaa ma ogid. Sida jamaahiirta Chelsea oo kale, anagu waxaanu ka cabsanaa in laga yaabo in uu baxo isagu, wali waxaan aaminsanahay in uu sii joogi doono, xaqiiqdiina waxaanu doonaynaa in uu sii joogo”.

Eden Hazard ayaa hore u sheegay in uu gaadhay go’aanka mustaqbalkiisa laakiin ilaa hadda waxay maamulka Blues ku fashilmeen in ay heshiis cusub ka saxiixdaan Hazard taas oo albaabka si sahlan ugu furaysa in uu qayb ka noqon karo mashruuca cusub ee Bernabeu laga qorshaynayo.