Halyayga Real Madrid Iyo Argentina Ee Jorge Valdano Oo Ka Hadlay Sida Lionel Messi Looga Baahan Yahay In Uu Hadda Koobka Aduunka Ugu Diyaar Garoobo Iyo Waajibka Argentina Ka Saaran In Ay Messi Fahmaan.

Halyayga reer Argantina ee Jorge Valdano isla markaana hore u soo qabtay shaqada kooxda Real Madrid  ayaa wuxuu sheegay in ayna wax sahlan ahayn ka garab ciyaarista xidiga ay isku dalka kasoo wada jeedaan ee Lionel Messi. Jorge Valdano ayaa sidoo kale ka hadlay in haddii uu Lionel Messi ahaan lahaa uu hadda sii bilaabi lahaa diyaar garowga koobka aduunka.

Jorge Valdano ayaa aaminsan in mar haddiiba ay Barcelona ku guulaysatay koobabka La Liga iyo Copa Del Rey in Lionel Messi looga baahan yahay in uu haddaba sii bilaabo diyaar garowga koobka aduunka ee bil kadib ka furmi doona dalka Ruuska. Jorge Valdano ayaa xulka qarankiisa Argentina ku dhiiro galiyay in si fiican ay u fahmaan Messi oo uu ku tilmaamay hogaamiye fiican.

Jorge Valdano oo u waramayay wargayska dalka Spain ee El Paisa ayaa isaga oo diyaar garowga Messi ee koobk aduunka ka hadlaya yidhi “Hadii aan ahaan lahaa Messi, waxaan bilaabi lahaa diyaar garowga haatan, iyadoo aan u tix galinayo in Barcelona ayna ciyaari doonin kulamo waaweyn, waxaan diirada saari lahaa sida aan ku gaadhii lahaa koobka aduunka”.

Valdano ayaa  sidoo kale hadalkiisa intaas kusii daray: “Waxaa jira siyaabo badan oo loo sii wadi karo tartanka, waxaad sameyn kartaa tababar todobaadka oo dhan, isla markaana aad ciyaarto kulamo badan, si aad u hesho qaabka ugu fiican ee koobka adduunka”.

Halyayga kooxda Real Madrid ee Jorge Valdano oo amaanaya Messi ayaa yidhi: “Messi waa hogaamiye aad u wanaagsan gaar ahaan kooxdan, haatan waa inaan helno koox si wanaagsan u fahmi karta isaga, qof waliba waa inuu ogaadaa muhiimada hubkan ugu weyn ee kooxda”.

Dhinaca kale Jorge Valdano oo rajada xulka qarankiisa Argentina ee koobka aduunka ka hadlaya ayaa yidhi: “Markale ayaan ku celinayaa inaan idhaahdo Spain, sababtoo ah qaabkooda ayaaa tusaale u noqday qof walba, waxaan filayaa sidoo kale Germany iyo Brazil in ay waxyaabo wanaagsan sameyn karaan, sidoo kale ma ilaawi doono in Argentina ay ka mid tahay jiilkan”.