“Si Weyn Ayaa Loo Yasay, Illaa Haddana Wuu Sii Ciyaari Kari Lahaa Haddii Uu Garoomada Kusii Jiri Lahaa”

Xiddigii hore ee Manchester United ee Michael Carrick, sidii uu garoonka ugu jiray ee uu kooxda ugu ciyaarayay ayuu mar kaliya isku beddelay tababare, waxaanu hadda gacan yare u yahay Ole Gunnar Solskjaer, hase yeeshee intii uu ciyaartoyga ahaa muu helin qiimayntii ku habboonayd, sida uu rumaysan yahay Luke Shaw.

Carrick oo sannadkii 2006 xirfaddiisa ciyaareed kasoo bilaabay kooxda West Ham United, ka hor intii aanu ku biirin Tottenham oo Manchester United ay kasoo qaadatay sannadkii 2006, waxa uu kabaha tiiriyey 2018.

In ka badan 12 sannadood oo uu Old Trafford joogay, waxa uu Red Devils kula guuleystay shan horyaal oo Premier league ah, Champions League iyo Europa League, waxaana markii uu kubadda ka fadhiistay uu wali sii ahaa laacib ay tayadiisu fiican tahay oo muddo dheer kusii jiri karayay ciyaaraha.

Luke Shaw oo ka hadlay laacibkan hore ee ay isku kooxda ahaayeen, haddana tababare ku-xigeenka ka ah United, ayaa waxa uu yidhi: “Waxaan hore u dareemi jiray in David Beckham xoogaa aan la siinin qiimayntii ku habboonayd, laakiin qofka aan la jiray ee la xaqiray waa Michael Carrick.

“Gudaha Manchester United oo kaliya maaha, laakiin waxa sidoo kale si weyn loogu duudsiyey xulka qaranka England. Markii ugu horreysay ee aan kusoo biiray United, xoogaa wuu sii yara gaboobayay laakiin tayadiisu aad ayay u sarraysay, walina sidii ayuu u leeyahay, haddii aan daacad ahaado”

Si kasta oo uu u fiicnaa, Michael Carrick waxa uu xulka qaranka u ciyaaray 34 ciyaarood oo kaliya, waxaana kaydka u diray oo booskiisa ka haystay Steven Gerrard iyo Frank Lampard.

 

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook