SHURUUD: Zinedine Zidane Oo Maamulka Chelsea Hordhigay Saddex Shuruudood Oo Muhiim Ah Iyo Shaqada Stamford Bridge Oo Uu Si Buuxda U Tixgalinaho In Uu Sarri Ka Badalo.

Dhawaan ayay ahayd markii ay soo baxday in maamulka kooxda Chelsea ay doonayaan in Zinedine Zidane ay ka dhigtaan badalka tooska ah ee Maurizio Sarri waxayna maamulka sare ee Blues ay ka wada xaajoodeen suurtogalnimada ay Zidane ku heli karaan kadib guuldaradii ceebta ahayd ee Man City ay kala soo laabteen.

Wargayska The Sun oo hore u shaaciyay in maamulka Chelsea ay doonayaan in ay Zinedine Zidane ka dul qaadaan Manchester United ayaa markale soo bandhigay saddex shuruudood oo Zidane ku xidhay in uu qabto shaqada kooxda Blues taas oo keeni karta in uu horumar wayn ku samayn karo Chelsea.

Zinedine Zidane ayaan wax shaqo ah qaban tan iyo markii uu si lama filaan ah iskaga casilay shaqadii tababaranimo ee Real Madrid intii lagu jiray dhamaadkii xili ciyaareedkii hore waxaana si xoogan loola xidhiidhinayay Manchester United balse hadda Chelsea ayaa noqotay kooxda inta badan la hadal hayo in uu la wareegi doono.

SIDOO KALE AKHRISO:  Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ee Ay Maanta Oo Salaasa Ah Qoreen Wargeysyada Yurub

Maurizio Sarri ayaan Chelsea gaadhsiin heerkii laga doonayay iyada oo Blues haddaba ka baxsan afarta kaalmood ee sare ee Premier league ee Champions League loogu soo baxayo inkasta oo uu wali haysto fursad uu koobab kooxda ugu qaadi karo isla markaana uu Champions league ugu soo saari karo.

Dalabyada uu Zinedine Zidane ka doonayo maamulka sare ee kooxda Chelsea ee uu shaaciyay wargayska The Sun ayaa ah kuwo muujinaya sida uu u arko in ay tahay xalka kaliya ee uu kula wareegi karo masuuliyada Chelsea maadaama oo uu doonayo in uu kooxda la guulaysto.

Haddaba halkan kaga bogo saddexda shuruudood Ee Uu Zinedine Zidane ku xidhay maamulka Chelsea si uu Sarri badal ugu noqon karo:

SIDOO KALE AKHRISO:  Shaxdan Ayuu Unai Emery Doonayaa In Uu Lixda Kooxood Ee Waa Wayn Ee Premier leauge Uu Xili Ciyaareedka Cusub Kula Tartamo.

1) In Eden Hazard heshiis cusub laga saxiixo si uu kooxda ugu dul dhiso xidiga reer Belgium

2) Inloo diyaariyo £200 milyan gini si uu horumarin ugu sameeyo kooxda hadda Stamford Bridge joogta iyo waliba lacagta kale ee laga heli karo ciyaartoyda uu arko in ayna qorshihiisa qayb ka noqon karin.

3) In isagu uu saamayn ku yeesho shaqaalaysiinta ciyaartoyda cusub oo uu la shaqeeyo agaasimaha ciyaaraha Chelsea ee Marina Granovskaia.

Haddii ay maamulka Chelsea ka soo baxaan saddexdan shuruudood waxaa suurtogal ah in Zinedine Zidane uu noqon doono tababaraha ay Blues yeelan doonto kadib xili ciyaareedkan isaga oo heli kara fursad uu Blues ugu soo celin karo halkii ugu saraysay ee Premier league iyo tartanka kooxaha Yurub.

SIDOO KALE AKHRISO:  Miyay Willian, N'Golo Kante & Rudiger Seegayaan Kulanka Berrito Chelsea Booqanayso Ee Man United? Tababare Lampard Ayaa Su'aashan Muhiimka Ah Ka Jawaabay.

Chelsea ayaa Eden Hazard ku qancin karta imaatinka Zinedine Zidane maadaama oo uu xidiga reer Belgium aad u jecel yahay in uu la shaqeeyo Zidane oo ah halyayga uu kubbada cagta kaga daydo waxayna Blues u noqon kartaa fursad wayn oo ay Eden Hazard kaga ceshan karaan Real Madrid.