SHURUUD: Kahor Inta Uusan Heshiis Mudo Dheer Ah Qalinka Ugu Duugin Kooxda, Goolhaye David De Gea Oo Qoddob Jose Mourinho Saamaynaya Hor Dhigay Maamulka Man United.

Goolhayaha kooxda Manchester United ee David De Gea ayaa lagu soo warramayaa inuu hal shuruud hor dhigay kooxdiisa kahor inta uusan qalinka ku duugin qandaraaska cusub ee ay kooxdu ka doonaysay mudooyinkii ugu dambeeyay.

Man United ayaa ka shaqaysiisay qoddobkii dhigayay inay kooxdu dookh u haysato inay heshiiska goolhayaha ree Spain ku darto hal sano waxaana ay qandaraaskiisa gaadhsiiyeen ilaa sanadka 2020 walow wadahadalada heshiis cusub ay wali yihiin kuwo la isku mari la’yahay.

Qoddobka uu David ku xidhay kooxda ayaa ah inuu doonayo inuu ogaado macalinka kooxda hagi doona sanadka dambe, Walow uu goolhayaha ree Spain ku faraxsan yahay Old Trafford hadana waxa uu dalbanayaa in wax badan loo kala cadeeyo.

Goolhayaha ree Spain ayaa xiisaynaya inuu koobab ku guuleysto sida Champions League, Tartanka ugu weyn ee uu kooxdiisa la qaaday tan iyo markii uu Atletico Madrid kaga soo biiray 2011 ayaa ah horyaalka Premier League.

Mustaqbalka tababare Mourinho ayaa ah mid shaki ku jira waxaana laga fasixi karaa kooxda haddiiba uu ku guuldareysto inuu usoo saaro Champions League xilli ciyaareedka dambe.

Tababaraha ugu cad cad ee lala xidhiidhinayo booska Jose ayaa ah midka Tottenham ee Mauricio Pochettino iyadoo uusan meesha ka maqnayn Zinadine Zidane.

Marka laga yimaado in David uu shuruudaas hor dhigay maamulka kooxda, Qodobka kale ee Red Devils ku adkayn kara saxeexa xiddigan ayaa ah inuu doonayo mushahar lamid ah midka Alexis Sanchez oo ah xiddigaha lacagaha ugu badan qaata Premier League.

Sanchez ayaa todobaadkii qaata mushahar dhan £500,000 marka lagu daro lacagaha dheeraadka ah, Goolhayaha ree Spain oo kooxda siiya wax ka badan waxa 29-ka ree Chile ayaa dareensan inay tahay in si lamid ah loo abaalmariyo.