Sheeko WhatsApp-ka Ku Dhex Martay Sergio Aguero Iyo Lionel Messi Oo Uu Aguero La Wadaagay Taageerayaashiisa Uu Caajiska Ka Ilaaliyo.

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi iyo gool dhaliyaha Manchester City ee Sergio Aguero ayaa ah saaxiibo aad iskugu dheer isla markaana kawada tirsan xulka qaranka Argentina.

Sergio Aguero ayaa intii lagu jiray go’ddoonta coronavirus waxa uu isku dayay in uu madadaaliyo taageerayaashiisa khaaska ah isaga oo soo duubayay muuqaalo uu ciyaarayo FIFA 2020 iyo waxyaabo la mid ah.

Laakiin Sergio Aguero ayaa sii waday madadaalinta taageerayaashiisa wuxuuna u soo bandhigay sheeko isaga iyo Messi ku dhex martay WhatsApp-ka.

Sheekada Lionel Messi iyo Sergio Aguero ku dhex martay barta WhatsApp-ka ayaa ahayd habeenimadii axadii markaas oo uu Messi xidiga xulkiisa ee Aguero uu xidhiidh la soo sameeyay.

Sergio Aguero ayaa isla wixii dhex maray Messi waxa uu uga sheekeeyay taageerayaasha uu sida joogtada ah uga madadaaliyo caajiska kubbad la’aanta isaga oo soo bandhigay xataa waxyaabo ay Messi ku kaftameen.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa sheekadii WhatsApp-ka ku dhex martay Messi iyo Aguero ee uu isla Aguero la wadaagay taageerayaashu uu ka madadaaliyo caajiska kubbad la’aanta.

Halkan kaga bogo sheekada oo dhamaystiran iyo wixii ay iskugu jawaabeen Messi iyo Aguero:

Lionel Messi ayaa Aguero u sheegay in qiimayntiisa FIFA 2020 ayna micno lahayn isaga oo ula jeeday in Aguero uu kafiican yahay qiimaynta la siiyay wuxuuna Messi barta WhatsApp-ka ugu soo qoray: “Micno ma laha waxa ay tahay iimaynta FIFA:

Aguero oo WhatsApp ugu jawaabaya Messi ayaa u qoray isla markaana taageerayaasha uu madadaalinayo la wadaagay qoraalkan ayaa yidhi: “Waa run, tirooyinkani waa been”.

Aguero oo sharaxaya sababta ay tirooyinka qiimaynta FIFA 2020 been u yihiin ayaa yidhi:”Maalinta kale qof kaadhka qiimayntiisu tahay 87 ayaa saddex gool aniga iiga kaa dhalinaya isaga oo goobaha oo dhan ka soo darbaynaya”.

Messi ayaa sheeko suuq gayn u ah shirkada PES waxa uu kula kaftay Aguero maadaama oo ay qiimayntii FIFA 2020 ay in ay been tahay isla qaateen wuxuuna Aguero oo soo tabinaya qoraalka Messi ee shirkada PES uu yidhi: “Isagu waxa u igala hadlayaa wax ku saabsan PES, sababtoo ah markii aanu u ciyaarnay kooxda Argentina U20, midkaayaba kan kale ayuu dili jiray”.

Kadib Augero ayaa soo bandhigay kabtan kale oo uu Messi kala kulmay kaas oo loogu sheegay in uu hadda waynaaday oo ayna ahayn in uu ciyaar gacmeeda ciyaaro wuxuuna Aguero oo hadalka Messi taageerayaashiisa u soo bandhigayaa yidhi: “Haa waan waynahay, laakiin kaliya waxaan yeeshay kadh yar oo kaliiya eh?, waxaa jira duud-duub yar oo wajiga ah laakiin aad uma badna!”.

Kadib Aguero ayaa isku xidhay taageerayaashiisii uu madadaalinayay iyo Messi oo uu sheegay in uu hurdo tagayay wuxuuna yidhi: “Waa hagaag, habeen wanaagsan ku dhaha Leo waxa uu isagu doonayaa in uu seexdo. Waad hurdo tagaysaam anagu halkan ayaanu sii joogaynaa”.

Aguero iyo Messi ayaa leh xidhiidh saaxiibtinimo oo ka soo bilawday markii ay u wada ciyaari jireen xulka qarankooda Argentina ee ay da’doodu ka hoosayso 20 sano jirka taas oo waqti dheer soo jirtay.

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook