SHEEKO CUSUB: PSG Oo Caddaysatay Inay Real Madrid Saaxiib Weyn La Tahay & Qoddob Kylian Mbappe Ku Saabsan Oo Si Layaab Leh Barcelona Loogaga Digay Mudadii Heshiiska Neymar Socday.

Kooxda ree France ee Paris Saint-Germain ayaa markale muujisay nacayba weyn ee ay u qabto dhigeeda Barcelona iyo waliba xidhiidhka wanaagsan ee ay la leedahay kooxda Real Madrid.

Wada xaajoodkii aadka u adkaa ee Paris iyo Barcelona dhex maray ayaa su’aalo badan miiska kaga tagay iyadoo mid kamida dhibaatooyinka uu reebay ay tahay cawaaqibta xun ee ka dhalan doonta saxeexii fashilmay ee Neymar.

Arrinta layaabka leh ayaa ah in heshiiskaas lagu soo hadal qaaday da’yarka Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe kaas oo looga digay Barcelona sida uu kusoo warramayo wargeyska SPORT.

Paris ayaa Barcelona uga digtay xiisaha ay Real Madrid u muujinayso Mbappe iyaga oo aaminsan in madaxweynaha kooxdaas ee Florentino Perez uu dalab weyn kasoo gudbin doono xagaaga dambe ee 2020.

Mbappe ayaa bar-tilmaameedka koowaad u ah tababare Zinadine Zidane isaga oo xataa ka horreeya Paul Pogba waxaana ay taasi muujinaysaa in Zizou uu kalsooni ku qabo inuu ugu dambayn Mbappe iman doono Bernabeu.

Sidoo kale Mbappe waa mid kamida sababaha Real Madrid ku qasbay inay intii dambe oo dhan xiiso aan weyneyn u muujisay Neymar sababtoo ah inay ogsoon yihiin inay Mbappe awoodooda iskugu geyn doonaan xagaaga sanadka dambe.

Haddiiba aysan Real xagaaga dambe xataa la saxeexan karin Mbappe waxa ay isku dayi doontaa 2021 marka uu heshiiskiisa hal sano ka hadhsan yahay iyagoo u adeegsan kara taatiko lamid ah midkii ay Eden Hazard kula soo wareegeen.

Si kastaba ha ahaatee, In PSG ay Barcelona uga digtay arrimaha Kylian Mbappe ayaa caddayn buuxda u ah sida ay xulafo saaxiibtinimo ah ula samaysatay Real Madrid.