Siday Ciyaartii Saaxiibtinimo Ee Liverpool La Yeelatay Benfica B Uga Caawisay Reds In Ay Tottenham Ku Garaacday Finalkii UCL-Sheeko Xiiso Badan.

Intii ay kooxda Liverpool ku jirtay diyaar garowgii finalkii UEFA Champions League waxay xarunta tababarka ay ugu diyaar garoobaysay finalkii UCL ee Tottenham ay ku marti qaaday kooxda Benfica B taas oo hadda laga helay sheeko layaableh.

Markii ay Liverpool raadinaysay koox ay kulan saaxiibtinimo la ciyaarto waxaa la sheegay in ay sababta ugu wayni ahayd in ay taam ahaansha jidh ahaaneed ee kooxdeeda ay halka ugu saraysa ku hayso laakiin waxaa soo baxday xog cusub iyo sharaxaad dheeraad ah oo la bixiyay.

Sababta ay Liverpool u dooratay kooxda da’yarta Benfica B may ahayn mid nasiib ku timid ama isku diyaarinta Champions league oo kaliya ku koobnayd balse waxaa jirtay ujeedo wayn oo Jurgen Klopp u qorsoonayd.

Maxay Ahayd Ujeedadii Khaaska Ka Ahayd Ee Ay Liverpool U Casuunta Benfica B ee ay kulanka Saaxiibtinimo ugula ciyaartay ka hor kulankii Tottenham?

Tababaraha Benfica ee Renato Paiva oo waraysi siiyay wargayska A Bola ee dalka Portugal ka soo baxa ayaa bixiyay faah faahin buuxda oo la xidhiidha sababtii iyo qorshihii dhabta ahaa ee Liverpool.

Renato Paiva ayaa shaaciyay in sababta ay Liverpool u casuuntay Benfica B ay tahay in tatiko ahaan ay isku mid yihiin Tottenham, wuxuuna tiriyay ciyaartoy loo asteeyay in ay ka ciyaaraan boosaska Harry Kane, Dele Alli iyo Erikson.

Renato Paiva ayaa sidoo kale cadeeyay in Benfica B ay ku ciyaaraysay isla nooca shaxda ay Tottenham ku soo shirtagto ee 4-2-3-1. Halkan hoose kaga bogo sheekadan.

Renato Paiva oo arintan cajiibka ah faah faahinaya ayaa yidhi: “Waxaanu dib u abuurnay labadooda weerarka iyo dhaq dhaqaaqooga difaaca si la mid ah kubbadaha sare ee aanu filaynay in ay finalka u adeegsan karaan”.

‘Waxaanu soo min guurinay difaacooda dhexe iyo dhismahooda goolhaye ee qaabka difaaca iyo weerarkooda kala gooya labada difaac dhexe ee shaxda 4-2-3-1 iyo lambar 10-ka oo qasaya lamarka 6 aad ee Liverpool”.

‘Vinicius waxa uu iska dhigdhigayay Eriksen, Bernardo waxa uu matalayay sida Alli iyo Jose Gomes oo ahaa Kane”.

“Klopp ayaa anaga nagu amaanay. Waxa uu noo sheegay: ‘Marka ay difaacyadiina dhexe dib u degayaan ee diyaar garowga isla markiiba waxaanu soo samaynaynaa cadaadiskayaga ee aanu u adeegsanay Manchester City isla markaana waxaad maamuli doontaan in aad dhaaftaan saddex ama afar jeer”.

Tababaraha Benfica ee Renato Paiva ayaa si dhab ah u shaaciyay in kulankii saaxiibtinimo ee ka dhacay goobta Marbella ee dalka Spain ee ay Liverpool ugu diyaar garoobaysay kulankii Tottenham in uu gabi ahaanba ahaa mid tatikada Tottenham ay Liverpool ugu sii diyaar garowday.

Renato Paiva ayaa sidoo kale shaaciyay in Tottenham ay heli kartay in ay ku ciyaarto tatikada kubbada cagta Spain oo uu Pochettino ka soo shaqeeyay, England oo ay ciyaartoy badan oo Ingiriis ahi kooxdiisa ku jiraan, France oo uu Lloris ku jiro balse waxa uu cadeeyay in ay Tottenham qaadatay tatikada Portugal ee ay Liverpool sii daristay.

Shaqaalaha tababarka Liverpool ayaa ku guulaysatay in ay wax badan ka sii darseen tatikadii ay filayeen in ay Tottenham ku soo shirtagayso halka kooxda Benfica B ay door wayn ku yeelatay diyaar garowgii Marbella ee finalkii Champions League.

Qoraalka Sheekadan oo luuqada Ingiriiska ku qoran oo dhamaystiran halkan ka akhriso.

Si kasta ha ahaatee, Jurgen Klopp ayaa si buuxda tatiko ahaan ugu dilay Pochettino finalkii Champions League iyada oo Spurs inta ugu badan ciyaarta ku ahayd mid aan fursado toos ah goolka ku abuurin ilaa intii laga soo gaadhayay dhamaadkii ciyaarta.