Unai Emery Oo Haddaba Diyaarsaday Shaxda Uu Kala Hortagi Doono Guardiola & Kooxdiisa Man City Ee Kulanka Furitaanka Premier League.

Waxa si sir ah loo ogaaday shaxda uu xilli ciyaareedka cusub kusoo shirtagi doono tababaraha kooxda Arsenal ee Unai Emery gaar ahaan kulanka furitaanka horyaalka ee uu la leeyahay kooxda horyaalka difaacanysa ee Manchester City oo ay kusoo dhawayn doonaan Emirates Stadium kulan xiisihiisa yeelan doona.

Arsenal kaliya kama werwersana inay kulanka furitaanka la leedahay koox sanadkii hore saddex jeer ka adkaatay balse waxa sidoo kale warwar ku abuuraya jamaahiirta kooxdaas rekoodhka xun ee uu tababarahoodu ka haysto Pep Guardiola kaas oo ah inuusan waligiis ka adkaan intii uu tababaraha ahaa.

Haddaba shaxda saadaasha ah ee uu tababare Emery kusoo shirtagi doono kulankan ayaa ah mid ay kasoo muuqdeen qaar kamid ah saxiixyada cusub ee kooxda iyadoo ay sidoo kale boosaskooda lumiyeen xiddigo xili ciyaareedkii hore muhiim ka ahaa Emirates.

Bernd Leno saxiixa cusub ee kooxda ayaa booska goolhayaha ka badali doona 36 jirka Petr Cech halka Sokratis oo dhawaan yimid kooxda uu daafaca dhexe kula midoobi doono Mustafi iyadoo uu dhaawac ku maqanyahay Kosceilny, Hector Bellerin ayaa la filayaa inuu booskiisa ka difaacdo Stephan Lichtsteiner oo dhawaan yimid kooxda halka Monreal uu sii xejisan doono booska daafaca bidix.

Khadka dhexe ayay ku midoobi doonaan Xhaka iyo xiddiga ay kooxdu aadka ugu dhawdahay ee Lucas Torreira iyagoo lamaane la noqon doona Mezut Ozil, Aaron Ramsey iyo Henrikh Mkhitaryan halka uu weeraryahan ahaan kulankaas usoo gali doono Aubameyang oo la filayo inuu kasoo hormaro Lacazette.

Shaxda La Filayo Inuu Tababare Unai Emery lasoo shirtago kulanka Manchester City ee furitaanka horyaalka:

Leno, Bellerin, Sokratis, Mustafi, Monreal, Torreira, Xhaka, Ramsey, Ozil, Mkhitaryan, Aubameyang.