SHAXDA RIYADA: Shax Bir Ah Oo Laga Sameeyay Xiddigaha Kusoo Guuleystay Abaalmarinta Ciyaaryahanka Sanadka Ee Premier League – Kooxdee Xiddigaha Ugu Badan Ku Leh?

Horyaalka Premier League ayaa ahaa mid 28-kii sanadood ee ugu dambeeyay soo marti geliyay qaar kamida xiddigaha ugu wacan jiilkan, min inuu Eric Cantona halyeey ka noqday Man United sanadihii sagaashamaadkii ilaa in Sergio Aguero uu noqday gool dhaliye la hubo sanadihii 2010 ilaa 2020.

Dhawaan ayay ahayd markii halyeeyga Arsenal ee Theirry Henry coddayn jamaahiirta laga qaaday loogu coddeeyay ciyaaryahanka abid ugu fiican ee Premier League ka ciyaaray balse waxa hubaal ah inay su’aal ka keeni doonaan coddayntaas xiddigo ay kamid yihiin Cristiano Ronaldo, Alan Shearer iyo Steven Gerard.

Si kastaba ha ahaatee, waxaanu halkan idinkula wadaagi doonaa shax ay shabakadda GIVEMESPORT ka samaysay xiddigaha kusoo guuleystay abaalmarinta ciyaaryahanka sanadka ugu wanaagsan Premier League min goolhaye ilaa gool dhaliye.

Goolhayaha shaxdan ayaa ah halyeeyga Man United ee Peter Schmeicel oo ah goolhayaha kaliya ee abid abaalmarintan kusoo guuleystay, Peter ayaa abaalmarintan ku hantay bandhigiisii xilli ciyaareedkii 1995-96, shan horyaal ayuu la qaaday United wakhtigiisii halka uu 398 kulan matalay.

Saddex daafac oo ah shaxdani leedahay ayaa ah geesiga Liverpool usoo baxay ee Virgil Van Dijk oo xilli ciyaareedkii hore hantay, kabtankii Man United ee Nemanja Vidic oo ah daafaca kaliya ee abid laba jeer hantay abaalmarintan iyo hoggaamiyihii Man City ee Vincent Kompany.

Shan khad dhexe oo ay shaxdani leedahay ayaa ah Gareth Bale oo 2012/13 soo sameeyay bandhig waali ah oo uu 21 gool kusoo dhaliyay kaliya 33 kulan isaga oo aan No.9 ahayn waxaana la midaysan kabtankii Arsenal ee Patrick Vieira oo xilli ciyaareedkii 2000/01  kusoo guuleystay abaalmarinta.

Sidoo kale halyeeyga Chelsea ahna macalinka haatan ee kooxdaas Frank Lampard ayaa kusoo baxay shaxdan maadaama oo uu xiddiga horyaalka ahaa xilli ciyaareedkii 2004/05, Eden Hazard oo qudhiisu Blues lasoo qaaday abaalmarinta 2014-15 iyo Wayne Rooney oo 2009-10 kusoo guuleystay ayaa ah labada xiddig ee dhammaystiray khadka dhexe.

Labada weeraryahan ee shaxdan ayaa ah Theirry Henry oo labadii xilli ciyaareed ee 2003-04 iyo 2005-06 kusoo guuleystay abaalmarintan sidoo kalena afar kabood oo dahab ah soo qaaday waxaana la midaysan Cristiano Ronaldo oo ah ciyaaryahanka kaliya ee labo sano oo xidhiidh ah abaalmarintan hantay sidoo kalena mudada uu jiray magaca Premier League ah shaqsiga kaliya ee Ballon d’Or soo qaaday isaga oo horyaalkaas matalaya.

Shaxdan Oo Kooban: Schmeicel (Man United), Van Dijk (Liverpool), Vidic (Man United), Kompany (Man City), Vieira (Arsenal), Lampard (Chelsea), Bale (Tottenham), Hazard (Chelsea), Rooney (Man United), Henry (Arsenal) Ronaldo (Man United)

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook

1 Comment

Comments are closed.