SHAXDA RIYADA: Jamaahiirta Kubbada Cagta Oo Soo Xushay Shaxda Isku Darka Liverpool 2020 vs Man Utd 1999-Ayaa Ciyaartoyda Ugu Badan Ka Helay?

Advertisements

Maalmihii la soo dhaafay Sky Sports ayaa bilaabay dood ah shaxda isku darka kooxdii Manchester United ee saddexda koob ku soo guulaysatay 1999 kii iyo kooxda hadda ee Liverpool oo taariikh layaableh ku socota.

Advertisements

Taageerayaal badan iyo shaqsiyaad magac leh ayaa ka qayb qaatay xulshada shaxda kooxda ugu fiican ee laga samayn karo Liverpool 2020 vs Man Utd 1999, waxaana ugu danbayn la soo saaray ciyaartoyda codkii ugu badnaa helay ee shaxdan ka soo muuqday.

Marka laga yimaado 11 ka xidig ee laga soo kala doortay kooxda hadda ee Liverpool iyo kooxdii Man United ee 1999 kii waxaa sidoo kale jira dhawr ciyaartoy oo wax yar shaxdan ku seegay oo kaydka lagu soo qoray.

Laakiin waxaa jira ciyaartoy magac wayn leh oo ka tirsanaa Manchester United ama hadda ka ciyaara Liverpool oo aan shaxdan lagu soo dooran isla markaana aan xataa kursiga kaydka soo galin.

Wax sahlan ma aha in 11 ciyaartoy oo kaliya laga soo doorto 44 ciyaartoy oo ka kala tirsanaa Manchester United 1999 iyo Liverpool 2020, balse codkii laysku geeyay waxaa ka soo baxday shax cajiib ah.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa shaxda isku dhafka ah ee ay taageerayaasha kubbada cagtu ka soo xuleen Liverpool 2020 vs Man Utd 1999.

Goolhayihii Manchester United ee  Peter Schmeichel ayaa loo doortay in uu ka soo muuqdo shaxda isku darka Manchester United 1999 iyo Liverpool 2020 laakiin waxaa wali jirta dood ah in  Peter Schmeichel aanu ka fiicnayn Alisson Becker oo kaydka shaxdan ugu jira kadib markii uu cod ahaan ku seegay.

Trent Alexander-Arnold ayaa booska difaaca midig ka qaaday khabiirka Sky Sports ahna halayaygii Manchester United ee Gary Neville kaas oo isna markiisa kaydka ku hadhay.

Mohamed Salah iyo Sadio Mane ayaa loo doortay in ay hogaamiyaan shaxda isku darka Man United 99 iyo Liverpool 2020 waxayna ka soo hor mareen Dwight Yorke iyo Andy Cole waxaana Cole lagu reebay kaydka si la mid ah Roberto Firmino.

Dhinaca difaaca waxaa ku jira saddex Liverpool hadda u ciyaara oo kala ah Van Dijk, Robertson iyo sida aan soo sheegnay Trent Alexander-Arnold balse kooxdii Man United ee 1999 kii ayaa qabsatay khadka dhexe oo dhamaystiran.

Pual Scholes, Ryan Giggs, David Beckham iyo Keane ayaa noqday afarta khadka dhexe shaxdan ugu soo baxay iyada oo hal ciyaartoy oo Reds hadda ka tirsani aanu khadka dhexe ku soo bixin waxaana kaydka ku jira Jordan Henderson.

Shaxda Kooxda Laga Sameyay Liverpool 2020 vs Man Utd 1999 Ee Taageerayaasha Kubbada cagtu soo xulen.

Advertisements