Shaxda Rasmiga Ah Ee Real Madrid vs Huesca Iyo Zinedine Zidane Oo Isbadalo Layaableh Sameeyay.

Real Madrid wajahaysa kooxda yar ee Huesca wuxuuna Zidane isbadal wayn ku sameeyay shaxda kooxdiisa isaga oo fursad siiyay ciyaartoy da’yar ah ama inta badan kaydka ku soo jiray.

Tababare Zinedine Zidane ayaa shaxda kooxdiisa goolka ugu soo bilaabay wiilkiisa Luca Zidane kaas oo haysta fursad uu iskugu muujin karo jamaahiirta kooxdiisa Madrid waxaana kaydka ku jira Keylor Navas halka Courtois uu dhaawac ku seegay kulankan.

Sergio Ramos, Nacho, Marcelo iyo Odriozola ayaa afarta difaaca ah ku soo wada bilawday laakiin Zidane ayaa kaydka dhigay Casemiro iyada oo markii horeba ay kooxdiisa ka maqnaayeen Toni Kroos iyo Luka Modric waxaana kulankan ku soo bilawday xidigo aan markii hore laga filayn.

Marco Llorente oo dhaawac ka soo laabtay, Dani Ceballos iyo Brahim Diaz ayaa dhamaantood kulankan ku soo bilawday waxaana la siiyay fursad ay markooda iskugu muujin karaan Zidane.

Gareth Bale iyo Isco ayaa kulankan ku soo wada bilawday halka Karim Benzema uu booskiisa sii xejistay wuxuuna Zidane sameeyay isbadal u  muuqda in uu tijaabo ku marinayo ciyaartoyda kooxdiisa si uu go’aan uga gaadho kuwa uu iska fasixi doono.

Shaxda Rasmiga Ah Ee Real Madrid vs Huesca:

Real Madrid XI: Luca Zidane, Sergio Ramos, Odriozola, Marcelo, Nacho, Marco Llorente, Dani Ceballos, Isco, Brahim Diaz, Gareth Bale, Karim Benzema.

Kaydka: Keylor Navas, Vallejo, Marino Diaz, Casemiro, Valverde, Lucas Vazguez, Reguilon

Huesca XI:  Santamarí, Herrera, Etxeita, Mantovani, Pulido, Javi Galán, Musto, Moi Goméz, Rivera, Chimy Avíla, Cucho Hernández.