Shaxda Rasmiga Ah Ee Liverpool Vs Everton- Jurgen Klopp Oo Aduunka Ka Yaabiyay.

Liverpool ayaa Anfield ku soo dhawaynaysa kooxda ay dariska yihiin ee Everton oo uu xifiltan wayni kala dhexeeyo, waxayna Reds kulankan ciyaaraysaa iyada oo doonaysa in ay dib u soo ceshato 11 kii dhibcood ee ay hogaanka Premier League ku hayeen.

Manchester City ayaa xalay guul ka sii gaadhay kooxda Burnley, waxayna kooxda Jurgen Klopp ee Liverpool maanka ku haysaa muhiimada ay kooxdeeda u leeyihiin saddexda dhibcood ee kulanka Merseyside Derby.

Everton waxay xili ciyaareedkan ku soo jirtay qaab ciyaareed musiibo ah wuxuuna tababare Marco Silva qarka u saaran yahay in uu noqdo macalinka xidiga ee Premier league shaqada looga caydhin karo.

Liverpool ayaan hal guuldaro kala soo kulmin Everton intii lagu jiray 17 kii kulan ee ugu danbeyey waxayna doonayaan in ay sii joogteeyaan rekoodhka layaabka leh ee ay Anfield ku leeyihiin.

Advertisements

Jurgen Klopp ayaa goolhaye Adrian waxaana afarta difaaca ah ku soo wada biladay Van Dijk, Lovern, Arnold iyo Robertson laakiin James Milner ayaa Fabinho ka badalay khadka dhexe wuxuuna Klopp kulankan ku soo bilaabay Adam Lallana oo isna Henderson badalay.

Laakiin Gini Wijnaldium ayaa wali shaxda Klopp ku soo bilawday halka Shaqiri, Origi ay weerarka kula soo bilawdeen Sadio Mane. Mohamed Salah iyo Roberto Firmino ayaan kulankan ku soo bilaaban wuxuuna Klopp sameeyay isbadalo lama filaan ah.

Haddii uu kulankani yahay Merseyside derby, waxa uu Jurgen Klopp u adeegsaday kulan uu isbadalkii ugu waynaa shaxdiisa ku sameeyay kulamadii Premier League ee xili ciyaareedkan, miyuu ka shalayn doonaa go’aanadiisa layaabka abuuray?

Shaxda Rasmiga Ah Ee Liverpool Vs Everton:

Everton XI: Pickford, Digne, Sidibe, Holgate, Keane, Mina, Davies, Sigurdsson, Iwobi, Richarlison, Calvert-Lewin

Kaydka: Lossl, Baines, Walcott, Tosun, Schneiderlin, Bernard, Kean

Liverpool XI: Adrian, Trent AA, Van Dijk, Lovren, Robertson, Milner, Wijnaldum, Lallana, Shaqiri, Origi, Mane.

Kaydka:  Kelleher, Keita, Firmino, Salah, Gomez, Henderson, Oxlade-Chamberlain

Advertisements