Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Norwich City vs Arsenal – Ljunberg Oo Si Layaab Leh Usoo Celiyay Xhaka, Mustafi Oo Mudo Kaddib Kusoo Bilawday & Pepe Oo Fadhiya!!..

Kooxda Arsenal ayaa galabta marti u ah dhigeeda Norwich City kulan ka tirsan Premier League toddobaadkiisa 14-aad, Gunners ayaa kulankan doonaya inay iskaga maydhaan farxad la’aan ku raagtay maadaama oo aysan toddobadii kulan ee ugu dambeeyay soo guuleysan.

Ciyaartan ayaa noqonaysa midii ugu horreysay ee ay Arsenal ciyaarayso kaddib caydhintii tababare Unai Emery waxaana maanta tijaabadii ugu horreysay maraya halyeeyga kooxda ee Freddie Ljunberg oo kumeel gaadh ahaan loogu dhiibay.

Tababare Ljunberg ayaa shaxdiisa kusoo bilaabay xiddigii ay jamaahiirta isku dhaceen ee Xhaka si lamid ah Mustafi oo si layaab leh uga soo hormaray Sokratis halka Willock iyo Ozil ay fursad heleen iyadoo wali Pepe uu keydka kusii jiro.

Shaxda Kulankan Ee Labada Kooxood

Advertisements

Norwich City: Krul, Aarons, Byram, Godfrey, Zimmermann, Hernandez, Cantwell, Trybull, Pukki, McLean, Amadou.

Keydka: Fahrmann, Roberts, Vrancic, Lewis, Buendia, Stiepermann, Srbeny.

Arsenal: Leno, Chambers, Mustafi, Luiz, Kolasinac, Xhaka, Guendouzi, Willock, Ozil, Lacazette, Aubameyang.

Keydka: Martinez, Tierney, Sokratis, Torreira, Pepe, Martinelli, Saka.

 

Advertisements