Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Newcastle United vs Manchester City – Tababare Guardiola Oo Isbedelo Sameeyay & Xiddigaha Uu Soo Xushay.

Advertisements

Manchester City ayaa galabta joogta gegida St James  Park ee kooxda Newcastle United, Ugu horreynba Sky Blues ayaa doonaya inay kulankan saddexda dhibcood helaan kana badbaadaan mid lamida guuldarradii xilli ciyaareedkii hore isla garoonkan ku gaadhay.

City ayaa ogsoon in guul ay gaadho ay si kumeel gaadh ah booska labaad uga sii gali doonto Leicester City oo haatan hal dhibic ka sarreysa isla markaana ay lix dhibcood u jirsan doonto kooxda hoggaanka haysa ee Liverpool.

Tababare Guardiola ayaa kulankii labaad oo xidhiidh ah horyaalka kusoo bilaabay Riyad Mahrez isaga oo keydka ku haya Bernardo, Sidoo kale David Silva ayaa kasoo hormaray Rodrigo, Mendy iyo Walker ayaa garbaha ka ciyaaraya waxaana fadhiya Angelino iyo Cancelo halka Jesus uu booskii Aguero buuxiyay.

Shaxda Kulankan Ee Labada Kooxood

Advertisements

Manchester City: Ederson, Mendy, Stones, Fernandinho, Walker, Gundogan, De Bruyne, David Silva, Mahrez, Sterling, Jesus

Keydka: Bravo, Angelino, Rodrigo, Bernardo Silva, Cancelo, Otamendi, Foden

Newcastle United: Dubravka, Manquillo, Dummett, Fernandez, Clark, Willems, Shelvey, Hayden, Almiron, Joelinton, Saint-Maximin

Keydka: Darlow, Schar, Gayle, Krafth, Atsu, Longstaff, Matthew Longstaff

Advertisements