Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Liverpool vs Brighton – Yaa Buuxiyay Booska Muhiimka Ah Ee Uu Fabinho Ka Dhaawacmay?

Advertisements

Kooxda hoggaanka u haysa horyaalka Premier League ee Liverpool ayaa wajahaysa dhigeeda Brighton kulan ka tirsan Premier League toddobaadkiisa 14-aad, Kulankan ayaa ah mid ay Reds doonayaan kusoo laabashada wadada guulaha kaddib bar-bardhacii Napoli ee Champions League.

Waxa ugu muhiimsan ee kulankan isha lagu hayn doono ayaa ah qaabka ay Jurgen Klopp iyo xiddigihiisu u buuxin doonaan booska uu ka dhaawacmay Fabinho oo ahaa kubad dilaha kooxdaasi ee dabooli jiray daafaca dambe muhiimna ka ahaa shaxda.

Tababare Klopp ayaa kulankan khadkiisa dhexe kusoo bilaabay Chamberlain taas oo la micno ah in Wijnaldum iyo Henderson ay dib u noqon doonaan si ay u qaadaan masuuliyada bur-buriyaha ee uu ka dhaawacan yahay Fabinho.

Shaxda Kulankan Ee Labada Kooxood

Advertisements

BrightonRyan, Dunk, Webster, Burn, Montoya, Bissouma, Stephens, Propper, Mooy, Gross, Connolly

Keyka: Button, Duffy, Maupay, Trossard, Murray, Schelotto, Alzate

Liverpool: Alisson, Alexander-Arnold, Van Dijk, Lovren, Robertson, Wijnaldum, Henderson, Oxlade-Chamberlain, Mane, Salah, Firmino

Keydka: Adrian, Milner, Keita, Gomez, Lallana, Shaqiri, Origi

 

Advertisements