Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Lawada Sugayo Ee Liverpool Vs Man City-Ayay Klopp & Guardiola Soo Xusheen?

Advertisements

Liverpool ayaa Anfield ku soo dhawaynaysa kooxda ay sida tooska ah ugu tartamayaan koobka premier League waxaana kulankan loo arkaa mid saamayn wayn ku yeelan kara halka ay saadaasha koobka Premier League u jeedsan karto.

Guul ay caawa Liverpool gaadhaa waxay suurtogal uga dhigaysaa in ay 9 dhibcood hogaanka ku qabtaan halka guul ay Man City gaadhaa ay u sahlayso City in ay 3 dhibcood oo kaliya ku soo koobaan farqiga dhibcaha ee ay Reds hogaanka ku hayso.

Advertisements

Maadaama oo uu saamayntan leeyahay waxay labada kooxood wax walba u samaynayaan sidii ay natiijada ay doonayaan kulankan uga heli lahaayeen.

Manchester City waxay kulankan wayday goolhaye Ederson oo aan ciyaartoyda kooxdiisa City ula safrin magaalada Liverpool iyada oo goolhaye Claudio Bravo uu kulankiisii ugu horeeyay ee Premeir League ku soo bilawday waqti aad u dheer  oo uu kaydka ugu  jiray Ederson.

Advertisements

Waxaa Man City kulankan u soo laabtay Rodrigo kaas oo khadka dhexe kula jira Gundogan iyo De Bruyne halka Fernandinho oo kabtanka kulankan ahi uu difaaca kula jiro Walker, Stones iyo Angelino.

Weerarka waxaa kuwada jira Sterling, Aguero iyo Bernardo Silva wuxuuna Guardiola soo xushay shaxda ugu xoogan ee uu u arko in uu inkaarta Anfield ku jabin karo.

Alisson ayaa sidii la filayay Liverpool goolka ugu jira waxaana afarta difaaca ah ku soo wada baxay  Van Dijk, Lovern, Robertson iyo Alexander-Arnold halka khadka dhexe ay kuwada jiraan Henderson oo soo laabtay, Wijnaldum iyo Fabinho.

Weerarka waxaa markale ku soo wada laabtay Sadio Mane, Roberto Firmino iyo Mohamed Salah oo kulankii Champions league kala maqnaa.

Shaxda Rasmiga Ah Ee Liverpool Vs Man City

Man City XI: Bravo, Walker, Stones, Fernandinho (C), Angelino, Rodrigo, Gundogan, De Bruyne, Bernardo, Sterling, Aguero

Kaydka: Carson, Jesus, Silva, Mahrez, Cancelo, Otamendi, Foden

Liverpool XI: Alisson, Alexander-Arnold, Lovren, Van Dijk, Robertson, Fabinho, Wijnaldum, Henderson, Mane, Salah, Firmino.

Kaydka: Adrian, Milner, Keita, Gomez, Oxlade-Chamberlain, Lallana, Origi

Advertisements