Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Chelsea vs West Ham United – Kante Iyo Willian Oo Keydka Ku Jira & Cida Buuxisay Booskii Abraham.

Advertisements

Kooxda tababare Frank Lampard uu hormoodka u yahay ee Chelsea ayaa qaabilaysa dhigeeda West Ham United oo ay London kawada dhisan yihiin, Kulankan ayaa ah mid ay Blues doonayaan kasoo laabashada guuldarradii Etihad Stadium kaga soo gaadhay Man City toddobaadkii hore.

Blues ayaa kulankan waayaya weeraryahankii dookha koowaad ee kooxdooda ee Tammy Abraham kaas oo ku dhaawacmay kulankii ay Valencia bar-bardhaca lasoo galeen ee UEFA Champions League.

Tababare Lampard ayaa booska weeraryahanka kusoo bilaabay Giroud oo buuxinaya halkii Abraham, James iyo Emerson ayaa kasoo hormaray Azpilicueta halka Kante iyo Willian ay fadhiyaan iyadoo ay kusoo bilawdeen Mount iyo Pedro.

Shaxda Kulankan Ee Labada Kooxood

Advertisements

 West Ham United: Martin, Fredericks, Balbuena, Ogbonna, Cresswell, Noble, Rice, Fornals, Snodgrass, Anderson, Antonio.

Keydka: Roberto, Zabaleta, Masuaku, Ajeti, Sanchez, Yarmolenko, Haller.

 Chelsea: Kepa, James, Zouma, Tomori, Emerson, Jorginho, Kovacic, Mount, Pedro, Pulisic, Giroud.

Keydka: Caballero, Christensen, Azpilicueta, Kante, Willian, Hudson-Odoi, Batshuayi.

Advertisements