Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Chelsea vs Crystal Palace – Kabtan Azpilicueta Oo Booskiisii Laga Xoogay & N’Golo Kante Oo Ugu Dambayn Blues Usoo Laabtay.

Kooxda tababare Frank Lampard uu hoggaanka u yahay ee Chelsea ayaa soo dhawaynaysa dhigeeda Crystal Palace kulan ka tirsan Premier League toddobaadkiisa 12-aad, Kulankan ayaa ah mid Blues ay ku doonayaan guushii shanaad oo xidhiidh ah kulamada horyaalka.

Dhinaca kale Blues ayaa haddii ay kulankan adkaadaan booska labaad ee horyaalka mudo saacado ah sii haysan kara iyagoo sii hayntooda booskaasi ay ku xidhnaan doonto kulanka ay Leicester City oo haatan saddexaad ahi caawa qaabilayso Arsenal.

Chelsea ayuu kulankan usoo laabtay xiddigeeda muhiimka ah ee N’Golo Kante oo mudo ka maqnaa halka uu sidoo kale taam buuxa noqday Mason Mount, Da’yarka Reece James ayaa booska ka saaray Cesar Azpilicueta.

Shaxda Kulankan Ee Labada Kooxood

Advertisements

Chelsea: Kepa, James, Tomori, Zouma, Emerson, Kante, Kovacic, Mount, Willian, Pulisic, Abraham.

Keydka: Caballero, Azpilicueta, Christensen, Gilmour, Hudson-Odoi, Batshuayi, Giroud.

Crystal Palace: Guaita, Ward, Tomkins, Cahill, Van Aanholt, McArthur, Kouyate, Milivojevic, Townsend, Zaha, Ayew.

Keydka: Hennessey, Dann, Kelly, Riedewald, McCarthy, Schlupp, Benteke.

Advertisements