Shaxda Rasmiga Ah Ee Atletico Madrid Vs Juventus & Schalke 04 vs Man City Iyo Xidigha Kooxahan ugu Soo Bilawday.

Qaybta ugu danbaysa kulamadii lugta kowaad ee wareega 16ka kooxood ee Champions league ayaa caawa la ciyaarayaa iyada oo Atletico Madrid soo dhawaynaysa kooxda Juventus halka Manchester City ay marti u tahay kooxda Germany ka dhisan ee Schalke 04.

Cristaino Ronaldo ayaa dib ugu soo laabtay caasimada Madrid halkaas oo uu sagaal sanadood ku soo qaatay wuxuuna ku soo bilawday shaxda Maxi Allegri ee kulanka Atletico Madrid. Ronaldo ayaa taariikh fiican ku soo lahaa kulamadii uu Atletico Madrid kaga hor yimid Real Madrid balse markan waxa uu kooxda Simeone wajahayaa isaga oo xidhan garanka Juventus.

Pual Dybala iyo xidigii hore ee kooxda Atletico Madrid ee Mario Mandzukic ayaa Cristiano Ronaldo kula soo bilawday safka weerarka ee Juventus.

Laakiin Diego Costa ayaa taam buuxa u noqday kulanka Juventus kadib markii uu muddo dhaawac ku maqnaa waxaana caawin doona Antoine Griezmann.

Shaxda Rasmiga Ah ee Juventus Vs Atletico Madrid

Atletico Madrid XI : Oblak, Juanfran, Gimenez, Godin, Filipe, Saul, Koke, Rodri, Thomas, Griezmann, Diego Costa

Juventus XI: Szczesny, De Sciglio, Bonucci, Chiellini, Alex Sandro, Bentancur, Pjanic, Matuidi, Dybala, Mandzukic, Ronaldo

Shaxda Rasmiga Ah Ee Schalke Vs Manchester City

Dhinaca kulanka Manchester City iyo Schalke waxa uu Guardiola la soo shirtagay shaxdiisa ugu xoogan iyada oo Sergio Aguero, Raheem Sterling iyo Bernado Silva ay safka weerarka hogaaminayaan.

Wuxuuna Guardiola soo xushay shax afar khadka dhexe ahi ku jiraan kuwaas oo kala ah Fernandinho, Ilkay Gundogan, Kevin De Bruyne iyo David Silva waxayna shaxdiisa u qaabaysan tahay 3-4-3 oo ah saddex difaac ah, afar khadka dhexe ah iyo saddex weerar ah.

Man City XI : Ederson, Walker, Laporte, Otamendi, Fernandinho, Gundogan, De Bruyne, Silva, Bernardo, Sterling, Aguero

Kaydka: Muric, Danilo, Kompany, Sané, Mahrez, Zinchenko, Foden

Schalke XI : Fahrmann, Nastasic, Bruma, Sane, Oczipka, Bentaleb, McKennie, Caligiuri, Mendyl, Serdar, Uth