Shaxda Rasmiga Ah Ee Athletic Bilbao Vs Barcelona-Miyuu Lionel Messi Ku Soo Bilawday Kulankan Muhiimka Ah?

Barcelona ayaa marti u ah kooxda Athletic Bilbao waxayna kooxda Blaugrana kulankan ciyaaraysaa iyada oo haysata fursada ay siddeed dhibcood uga dhigan karto hogaamintii shanta dhibcood ahayd ee ay Atlerico Madrid oo xalay guuldaraysatay ay ka soo saraysay.

Valverde ayaa dib ugu soo laabtay garoonkii kooxdiisii hore ee Atheltic Bilbao ee San Mames halkaas oo ka mid ah garoomada ugu dhibta badan ee horyaalka La Liga. Warka ugu wayn ayaa ah in Lionel Messi uu ku soo laabtay shaxda Barcelona kadib markii uu si buuxda uga soo kabsatay dhaawicii kulankii Valencia ku soo gaadhay.

Laakiin Valverde ayaa go’aan ku gaadhay in aanu Ousmane Dembele garoomada kula soo deg degin maadaama oo uu dhaawac ka soo laabtay wuxuuna siiyay fursada uu kaydka ugu jiro ee uu qaybta labaad ee kulankan garoomada ugu soo laaban karo.

SIDOO KALE AKHRISO:  Daraasad Cusub Oo Lagu Ogaaday Qaabka Layaabka Leh Ee Taageeranimada Kubbada Jiilka Cusubi Ay Isku Badashay.

Jordi Alba ayaa kulankan ganaax ku seegay waxaana booskiisa buuxin doona Sergi Roberto oo wali ah kaadhka qarsoon ee uu macalin kasta oo Barcelona ahi soo haystay kaas oo min difaaca midig ilaa khadka dhexe loo soo adeegsanayay isla markaana kulankii Valencia ka ciyaaray difaaca bidix.

Coutinho ayaa wali booskiisa sii xejistay inkasta oo uu bandhig aad u liita ka sameeyay kulankii Real Madrid ee Copa Del Rey waxaana khadka dhexe lagu soo bilaabay Vidal oo badalay Arthur oo dhaawac ku maqan.

Shaxda Rasmiga Ah Ee Barcelona & Athletic Bilbao

Barcelona XI: Ter Stegen, Semedo, Piqué, Lenglet, Sergi Roberto, Busquets, Rakitic, Vidal, Messi, Coutinho, Suárez.

SIDOO KALE AKHRISO:  Jamaahiirta Man United Ma Sidan Oo Dhan Ayay Ugu Xiiseen Jose Mourinho? Dhacdo Weyn Oo Ay Ka Sameeyeen Kulankii Chelsea Oo Soo Jiidatay Mourinho Oo Garoonka Joogay.

Athletic Bilbao XI: Herrerín, De Marcos, Yeray, Íñigo Martínez, Balenziaga, Beñat, Dani García, Susaeta, Raúl García, Yuri, Iñaki Williams.