Shaxda Macquulka Ah Ee Uu Tababare Ole Gunnar Solskjaer Doonayo In Uu Kala Hortago Kooxda Chelsea Ee Kulanka Old Trafford.

Manchester United ayaa Old Trafford ku soo dhawanaysa kooxda Chelsea oo uu hogaaminayo Frank Lampard waana kulanka furitaanka ee ay kooxahani ku bilaaban doonaan horyaalka Premier League.

Iyada oo hadaba ay guulaysteen kooxaha Liverpool iyo Manchester City, waxaa hubaal ah in Manchester United iyo Chelsea ay dhibco iska lumin doonaan haddii ay midkood guulaysto iyo haddii ay barbaro galaanba.

Haddii ay Manchester United guul ka gaadho Cheslea waxay talaabo la qaadi kartaa kooxaha Liverpool iyo Manchester City oo guulo waa wayn ku furtay halka haddii ay Chelsea guulaysto ay muhiimad wayn u yeelan doonto Lampard.

Laakiin haddii ay Cheslea iyo Man United barbaro galaan, waxay markiiba sabab u noqon doontaa in kooxahani ay talaabo ka danbayn doonaan kooxaha xili ciyaareedkii hore dhibcaha badan ka sareeyay ee City iyo Liverpool.

SIDOO KALE AKHRISO:  Sawirro: Xiddigaha Man United & Man City Oo Kulamo Casho Ah Yeeshay Ka Hor Bilowga Xilli Ciyaareedka Premier League

Haddaba shax noocee ah ayuu Ole Gunnar Solskjaer doonayaa in uu ku soo shirtago kulanka Old Trafford ee furitaanka Premeir league?

Shabakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa shaxda macquulka ee ay u badan tahay in Ole Gunnar Solskjaer uu kulanka Chelsea adeegsan doono halkan ayaanad kaga bogan kartaa.

Uu horayn waxa uu Solskjaer uu goolkiisa ku soo bilaabi doonaa David De Gea waxaana la filayaa in afarta difaaca ah ay kuwada jiri doonaan Aaron Wan-Bissaka, Maguire, Lindelof iyo Luka Shaw. saxiixa cusub ee Harry Maguire ayaa la filayaa in uu kulankiisii ugu horeeyay ee rasmi ah u safan doono United.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa la filayaa in uu khadka dhexe ku soo wada bilaabi doono Pual Pogba, Scott McTominay iyo Fred taas oo la micno ah in xidiga ayna jamaahiirta United doonayn ee Matic uu kaydka gali karo.

SIDOO KALE AKHRISO:  "Man United Ayaa Mar Kale Ku Guuleysan Doonta Horyaalka Premier League Ka Hor Inta Aysan Liverpool Qaadin"

Dhinaca weerarka waxaa la filayaa in United ay hogaamin doonaan Daniel James oo kulankiisii ugu horeeyay ee rasmiga ahaa ka soo muuqan doona United halka Anthony Martial iyo Marcus Rashford ay weerarka kuwada jiri doonaan.

Shaxda Macquulka ah ee Solskjaer uu kala hor iman karo Chelsea:

Man United XI: David de Gea; Aaron Wan-Bissaka, Harry Maguire, Victor Lindelof, Luka Shaw; McTominay, Fred, Pogba; James, Martial, Rashford