Shaxda Macquulka Ah Ee Liverpool Kala Hortagi Karto Bayern Munich-Sidii Klopp Ku Buuxin Karaa Ganaaxa Virgil van Dijk Iyo Dhaawacyada Lovern & Gomez?

Kooxda Liverpool ayaa Anfield ku soo dhawayn doonta kooxda Bayern Munich laakiin jamaahiirta kooxda Liverpool ayaa si wayn uga walwalsan in markii ugu horeeyay xili ciyaareedkan ay kulan muhiim ah waayi doonaan qalbi difaacooda Virgil van Dijk  kaas oo si joogto ah ugu soo bilaabanayay wadnaha difaaca dhexe ee Reds.

Laakiin Virgil van Dijk ayaa ganaax ku seegi doona kulanka lugta hore ee Champions league ee ay Reds soo dhawaynayso kooxda Bayern Munich laakiin waxaa xaalada sii xumeeyay in Liverpool ay dhaawac kaga maqan yihiin Dejan Lovern iyo Joe Gomez.

Jurgen Klopp ayaa haysta Joel Matip oo kaliya oo taam u ah difaaca dhexe ee kooxdiisa Liverpool ee kulanka Bayern Munich waxaana lays waydiinayaa qaabka uu macalinka reer Germany ku xalin karo dhibaatada wayn ee kooxdiisa haysata.

Waxay u badan tahay in Klopp uu soo celin doono qorshihii uu Fabinho kaga ciyaarsiiyay difaaca dhexe halkaas oo uu xidiga reer Brazil bandhig fiican ku sameeyay markii uu Van Dijk kaga soo garab ciyaaray isla waqtigii ay Lovern, Matip iyo Gomez wada maqnaayeen.

Laakiin waxaa soo baxayay warar sheegaya in Henderson uu difaaca dhexe kala ciyaari karo Matip taas oo u muuqata mid ayna jeclaysan karin jamaahiirta Liverpool laakiin Klopp ayaa sidoo kale haysta da’yarka 16 sano jirka ah ee Ki-Jana Hoever  kaas oo uu aduunka kaga yaabsaday markii uu soo galiyay kulankii Wolves ee FA Cupka markii uu Lovern soo gaadhay dhaawac uu ilaa hadda la maqan yahay.

Marka si buuxda loo qiyaaso aragtida Klopp, waxay u badan tahay in Matip iyo Fabinho ka ciyaarsiin doono difaaca dhexe isla markaana aanu ku deg degi doonin in uu difaaca dhexe ka ciyaarsiiyo 16 sano jirka Ki-Jana Hoever iyo Hednerson midkoodna.

Sidaa daraadeed, waxaanu qiyaasaynaa in shaxda Liverpool ee kulanka Bayern Munich ay noqon doonto mid ay Matip iyo Fabinho difaaca dhexe buuxin doonaan isla markaana ay ay difaac danbeedyada ka ciyaari doonaan Andrew Robertson iyo Trent Alexander-Arnold oo si buuxda u soo laabanaya kulanka Bayern Munich kadib markii uu daqiiqado ka ciyaaray kulankii Bournemouth.

Klopp ayaa go’aan ka gaadhi doono saddexda xidig ee uu khadka dhexe ku soo bilaabi doono laakiin Georginio Wijnaldum waxa uu noqon doonaa mid aan ka maqnaan doonin waxaana u wehelin kara Naby Keita iyo Jordan Henderson halka James Milner laftiisu uu haysto fursad uu khadka dhexe ugu soo laaban karo kadib markii uu difaaca midig ka soo ciyaaray.

Waxa ugu sahlan ee uu Klopp soo xulan karo ayaa ah saddexda weerarka ah oo ay ku sii jiri doonaan Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Roberto Firmino.

Shaxda Macquulka Ah Ee Uu Klopp kala hortagi karo Bayern Munich:

Liverpool(4-3-3): Alisson; Alexander-Arnold, Matip, Fabinho, Robertson; Wijnaldum, Milner, Keita; Salah, Mane, Firmino

Haddii aad akhriste taageere u tahay kooxda Liverpool, miyaad filaysaa in shaxdani tahay shaxda ugu haboon ee uu Jurgen Klopp ku soo shirtagi karo kulanka Champions League ee Bayeern Munich? Haddii ayna sax kula ahayn maxaad ka badali lahayd? Qaybta hoose ee fariimaha ayaad fikradaada noogu reebi kartaa.

2 Comments

Comments are closed.