Kadib Dhamaystirka Kooxaha Juventus & AC Milan Ee Heshiisyada Gonzalo Higuain Iyo Leonardo Bonucci, Shaxda Uu Maxi Allegri Ku Ciyaari Doono Oo Ay Old Lady Ugu Guulaysan Karto Champions League.

Kooxda Juventus ayaan waqti aad u dheer ku guulaysan koobka UEFA Champions league inkasta oo ay finalkii tartankan soo gaadhay sanadihii 2015 iyo 2017 kii markaas oo ay guuldarooyin kala kulantay kooxaha ree Spain ee Barcelona iyo Real Madrid laakiin shaxda macquulka ah ee uu Maxi Allegri ku soo shirtagi karo xili ciyaareedka cusub ayaa fursadii ugu waynayd siinaysa Old Lady.

Juventus ayaa suuqa xagaagan heshay saxiixyo aad muhiim ugu ah kooxdeeda kuwaas oo heerka kale u qaadi kara iyada oo haddaba ay jamaahiirta kooxda Juventus dareemi karaan in xili ciyaareedka cusub ayna jirin koox uga awood badan ku guulaysiga kooba Champions League.

Juventus ayaa safka kooxdeeda ku soo xoojisay  Cristaino Ronaldo (Real Madrid) Douglas Costa (Bayern München, Heshiiskii  oo ay heshiiskiisii amaahda ahaa rasmi laga dhigay), Mattia Perin (Genoa), Andrea Favilli (Ascoli),  João Cancelo (Valencia) iyo waliba Emre Can (Liverpool) oo ay si xor ah kula soo wareegtay.

Kooxaha Juventus iyo AC Milan ayaa isdhaafsaday heshiisyo kooxahooda muhiim u noqon kara iyada oo Leonardo Bonucci uu hal xili ciyaareed kadib dib ugu soo laabtay kooxdiisii hore ee juventus halka Gonzalo Higuain uu isna ka degay AC Milan.

Maxi Allegri ayaa difaaca dhexe ee kooxdiisa ku soo wada bilaabi kara Cheillini iyo Leonardo Bonucci waxaana difaaca midig buuxin doona saxiixa cusub ee João Cancelo halka Alex Sandro uu difaaca bidix sidii looga bartay ka ciyaari doono.

Khadka dhexe waxa uu Maxi Allegri u adeegsan karaa Emre Can Panic iyo Matuidi halka safarka weerarka ay ka wada ciyaari doonaan Cristiano Ronaldo, Douglas Costa iyo Paulo Dybala taas oo shaxda Maxi Allegri ka dhigaysa mid aad u xoogan wuxuuna sidoo kale haystaa xidigo kaydka ka soo bixi kara oo xaalada badali kara.

Halkan Kaga Bogo Shaxda Macquulka Ah Ee Uu Maxi Allegri Ku Soo Shirtagi Karo Ee Uu Champions League ugu Guulaysan Karo:

Laakiin waxaa la sugayaa qaabka uu Maxi Allegri iskula falgalin doono ciyaartoyda cusub iyo kuwii uu kooxdiisa ku sii haystay si ay horumarkii ay kooxdu ku soo jirtay ay sare ugu sii qaadi karaan.