Shaxda Macquulka Ah Ee Liverpool Ku Ciyaari Karto Kulanka Watford, Miyuu Jurgen Klopp Isbadalo Samayn Doona Shaxdiisa?

Liverpool ayaa ku soo laabaneysa Premier League berri oo Sabti ah marka ay ka horimaanayaan kooxda Watford oo ay marti ugu yihiin garoonka Vicarage Road.

Kooxda Reds ayaa haatan ah mid aan laga badinin horyaalka waxaana ay labo dhibcood ka danbeeyaan kooxda horyaalka difaacaneysa ee Manchester City iyagoo badiyay sagaal ka mid ah 12kii kulan ee ilaa iyo haatan la ciyaaray Premier League.

Marka laga soo tago xiddiga dhaawaca mudada dheer ku maqnaa Alex Oxlade-Chamberlain iyo Adam Lallana oo isna dhaawac ku seegaya kulankaan, tababare Jurgen Klopp waxaa heysta madax xanuun uu shaxdiisa ku soo xulanayo.

Naby Keita ayaa taam ahaansho buuxda ku soo laabtay halka kabtanka kooxda Jordan Henderson uu diyaar yahay ka dib markii uu dhaawac ku seegay kulankii ay England ka badisay Croatia ee Nations League.

Labada xiddig waxa ay ku biirayaa Gioginio Wijnaldum, James Milner iyo Xherdan Shaqiri iyagoo dhamaantood u tartamaya kaliya seddexda boos ee khadka dhexe.

Tababare Klopp ayaa la filayaa inuu shax ciyaareedka 4-2-3-1 ku soo shirtago mar kale si la mid ah kulankii ugu danbeeyay ee ay ka badiyeen kooxda Fulham.

Saadaashu waxay tahay in Fabinho iyo Wijnaldum laga ciyaarsiin doono booska burburiyaha khadka dhexe halka Mane, Firmino iyo Shaqiri ay ka ciyaari doonaan booska ka danbeeya gooldhaliyaha ee Daniel Sturridge.

Tababare Klopp ayaa la filayaa inuu nasasiiyo inta badan xiddigihiisa muhim ah madaama uu hal il ku hayo kulanka Champions League ee ay habeeka Arbacada la ciyaarayaan Paris Saint-Germain.

Shaxda Macquulk Ah Ee Liverpool:

LIVERPOOL: (4-2-3-1): Alisson; Robertson, Van Dijk, Gomez, Alexander-Arnold; Fabinho, Wijnaldum; Mane, Firmino, Shaqiri; Sturridge