Shaxda Kooxda Aduunka Ugu Qaalisan Oo Ku Qiimaysan £1.5 BILYAN Iyo 11 Ka Xidig Ee Ka Soo Muuqday.

Shaxda kooxda aduunka ugu aalisan
Shaxda kooxda aduunka ugu aalisan

Shaxda kooxda aduunka ugu qaalisan oo si layaableh u noqotay 1.5 milyan gini ayaa kooxdaada ugu soo baxay shaxdan?.

Qiimaha ciyaartoyda kubbada cagta aduunka ayaa si wayn sare ugu kacaya gaar ahaan kuwa ka xamaasha horyaalada yurub.

Shaxda kooxda aduunka ugu aalisan
Shaxda kooxda aduunka ugu aalisan

Ciyaartoy badan ayaa qiimo ahaan si wayn sare ugu kacaya marka ay bandhig fiican sameeyaan halka kuwo qiimo sare ahaa ay hoos u dhacaan marka ay bandhig liita sameeyaan.

Qiimayn ay samaysay xarunta daraasaadka kubbada cagta ee CIES Football Observatory ayaa lagu shaaciyay liiska ciyaartoyda ugu qiimaha badan kubbada cagta waxaana laga soo dhex saaray boos kasta xidiga ugu qaalisan.

Kadib markii boos kasta la soo qaaday xidiga ugu qaalisan waxaa ka soo baxday shaxda kooxda aduunka ugu qaalisan oo ku qiimaysan 1.5 bilyan gini waxaana ku jira ciyaartoy badan oo xataa qaar ka mid ahi ay da’yar yihiin.

Waxa kale oo jira ciyaartoy badan oo kale oo ka soo muuqan kari waayay shaxda kooxda aduunka ugu qaalisan sababtoo ah in xidig ka qiimo badani uu booskooda ku jiro.

Haddaba shabakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa shaxda kooxda aduunka ugu qaalisan ee laga sameeyay ciyaartoyda ugu qiimaha badan kubbada cagta halkan ayaanad kaga bogan kartaa.

Todoba ka mid ah 11 ka xidig ee shaxda kooxda ugu qaalisani waxay ka ciyaaraan horyaalka Premier league iyada oo Alisson Becker, Mohamed Salah, Trent Alexander-Arnold iyo Raheem Sterling ay ku jiraan liiska ciyaartoyda premier league ee shaxdan ka soo muuqday.

Halkan kaga Bogo shaxda Kooxda ugu Qaalisan Ee 1.5 milyan gini ku qiimaysan:

Liiska ciyaartoyda Kale Ee shaxdan Ku Soo Bixi Karayay Balse Ay Booskooda uga hormareen ciyaartoy kale oo ka qiimo sareeya.

6. Sadio Mane (£140m)

7. Harry Kane (£138m)

8. Roberto Firmino (£128m)

9. Antoine Griezmann (£128m)

10. Leroy Sane (£122m)

12. Gabriel Jesus (£116m)

15. Romelu Lukaku (£111m)

16. Paul Pogba (£111m)

17. Neymar (£111m)

18. Marcus Rashford (£110m)

19. Eden Hazard (£107m)

20. Cristiano Ronaldo (£105m)