Shaxda Khubarada – Khubarada Ka Hawl Gala Sky Sports Oo Mid Kasta HAL Shax Ka Xushay Kulamada Derby-ga Ee Liverpool v Everton, Arsenal v Tottenham & Chelsea v Fulham.

Khubarada kanaalka Sky Sports ayaa dhiibtay shaxahooda isku dhafka ah ee kulamada Derby-ga ah ee Liverpool v Everton, Arsenal v Tottenham iyo Chelsea v Fulham oo dhammaantood toddobaadkan la ciyaari doono.

Khubaradan oo ah afar khabiir oo magacooda la isku yidhaa Khubarada Soccer Saturday ayaa min hal shax oo kaliya kasoo xushay dhammaan lixda kooxood ee aan kor kusoo xusnay.

Aan ku bilawnee xiddigii hore ee Southampton ee Matt Le Tissier ayaa shaxdiisa ka dhigtay shan xiddig oo Liverpool ah, Afar xiddig oo Chelsea ah iyo laba xiddig oo uu kasoo doortay dhinaca Tottenham isaga oo gabi ahaanba iska indho tiray kooxda Arsenal.

Paul Merson ayaa dhinaciisa doortay shan xiddig oo Tottenham ah, saddex xiddig oo Liverpool ah, Laba xiddig oo Chelsea ah iyo hal xiddig oo Tottenham ah.

Dhinaca kale, Charlie Nicholas ayaa doortay shan xiddig oo Liverpool ah, Saddex xiddig oo Chelsea ah, Laba xiddig oo Tottenham iyo xiddig Arsenal ah.

Ugu dambayn, Tababarihii hore ee Liverpool ee Phil Thompson ayaa kooxdiisii hore shan xiddig kasoo doortay, Saddex xiddig oo Chelsea ah, Laba xiddig oo Tottenham ah iyo hal xiddig oo Arsenal ah.

Xiddigaha Tottenham ee Toby Alderweirld, Harry Kane, Xiddigaha Chelsea ee Kanteiyo Hazard, Daafaca dhexe ee Liverpool ee Virgil Van Dijk ayaa ah xiddigaha uu khabiir kasta oo afartan khabiir kamid ahi uu shaxdiisa ku darsaday.