Shaxda Holaca Ah Ee Ay PSG Ku Dagaalamayso Sanadka Dambe, Cristiano Ronaldo Oo Qayb Ka Ah & Xiddig Laf-Dhabar Ah Oo Maqan

Kooxda ree France ee Paris Saint-Germain ayay suurogal tahay inay u dhaqaaqdo saxeexa weeraryahanka Juventus ee Cristiano Ronaldo kaddib markii mulkiilaha kooxdaas ee Nasser Al-Khelaifi uu ka sheegay hadal soo jiidasho leh.

Cristiano Ronaldo ayaa ku laabtay magaalada Turin kaddib markii uu wakhtigii go’doonka ku qaatay magaalada uu kasoo jeeda ee Madeira waxaana la arkay isaga oo xerada tababarka ee Juventus ku socda saaka oo Salaasa ah.

Al-Khelaifi oo u warramayay majalada France Football dhawaan ayaa shaaca ka qaaday inuu la dhacsan yahay CR7 isla markaana uu kabtanka xulka qaranka Portugal tusaale u yahay xiddigaha mustaqbalka.

Al-Khelaifi oo ka hadlaya Cristiano ayaa yidhi “(Ronaldo) waxa dhiirigeliya rabitaankiisa ah inuu horumaro maalin kasta waxaana uu markasta isku riixaa xuduudihiisa”

“Waxaan la dhacsanahay rajayntiisa joogtada ah, isagu waxa uu tusaale weyn u yahay dhammaan xirfadlayaasha ciyaareed ee mustaqbalka”

Shax ciyaareedkan uu Paris Saint-Germain u saadaaliyay wargeyska The Sun ayaa ah mid 10 ciyaaryahan oo kamid ahi ay haatanba yihiin xiddigo kooxdaas ka tirsan balse uu kaliya ku cusub yahay Ronaldo.

Ronaldo ayaa shaxdan saddexley weerar kula samaystay Neymar JR iyo Mauro Icardi waxaana uu wargeyku bedel uga dhigay xiddiga ka baxaya kooxdaas ee Kylian Mbappe oo si xoogan loola xidhiidhinayo Real Madrid.

Halkan Kaga Boggo Shaxda Oo SAWIR Ah

 How PSG could line up if they sign Cristiano Ronaldo this summer

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook