Shaxda 11-ka Xidig Ee Wali Kooxaha Premier League Ka Bixi Kara Iyo Saamaynta Xun Ee Ay Yeelan Karto.

Sanadkii labaad oo xidhiidh ah waxa uu suuqa kala iibsiga xagaaga ee England uu xidhmay maalin ka hor bilawga xili ciyaareedka cusub waana sharci la meel mariyay saddex sanadood ka hor balse ay hadda ka qoomamaynayaan qaar ka mid ah kooxaha Premier league.

Ujeedada laga lahaa in suuqa kala iibsiga xagaaga ee England uu xili hore xidhmo waxay ahayd in ciyaartoyda kooxahoodu ayna in badan ku mashquulin mustaqbalkooda iyada oo xili ciyaareedku socdo balse taasi meesha kamay bixin maadaama oo ay wali kooxaha kale ee Yurub ay Premier League ciyaartoy kala soo wareegi karaan.

Haddaba iyada oo suuqa kala iibsiga England uu si rasmi ah u xidhmay, waxaa jirta shax laga sameeyay 11 ka xidig ee ugu muhiimsan kuwaas oo wali ka bixi kara kooxaha Premier League.

SIDOO KALE AKHRISO:  LA OGAADAY: Sababtii Dhabta Ahayd Ee Ay Man United Ula Saxeexan Weyday Xiddigii Ay Jamaahiirteedu Qalbiga Gashadeen Ee Bruno Fernandes Oo La Ogaaday - Maaha Arrimaha Lacagta.

Haddaba shabakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa shaxda kooxda laga sameeyay ciyaartoyda ay wali suurtogalka tahay in ay ka bixi karaan kooxaha horyaalka Igiriiska ka dhisan.

Xidigaha kooxaha Premier League wali ka bixi kara waxaa ka mid ah Mesut Ozil oo ay Arsenal doonayso in ay iibiso inta aanu suuqu xidhmin iyaga oo doonaya in ay meesha ka saaraan lacagta £350,000 kun gini ah ee uu todobaadkii qaato.

Waxa kale oo ay Arsenal diyaar u tahay in ay iska iibiso Shkodran Mustafi kaas oo dhibaato wayn xili ciyaareedkii la soo dhaafay ku ahaa Gunners wuxuuna ka mid yahay ciyaartoyda ay suurtogalka tahay in uu wali England ka bixi karo.

SIDOO KALE AKHRISO:  Kooxda Isbuuca Premier League: Shaxda 11kii Xiddig Ee Ugu Fiicnaa Todobaadkan Horyaalka Premier League Oo La Soo Saaray

Pual Pogba oo wali doonaya in uu Real Madrid ku biiro ayaa ka bixi kara Manchester United laakiin sidoo kale United ayaa doonaysa in ay iibiso Marcos Rojo iyo Matteo Darmian kadib lacagtii qaaliga ahayd ee ay kula soo wareegeen Harry Maguire.

Wilfried Zaha oo warqada bixitaanka uu ku dalbaday u gudbiyay maamulka kooxdiisa Crystal Palace ayaa wali ka mid ah ciyaartoyda lacagaha badan lagula wareegi karo ee England ka bixi kara inta uu suuqa Yurub furan yahay.

Christian Eriksen oo Real Madrid waqti dheer lala xidhiidhinayay ayaa wali ka mid ah ciyaartoyda la iibin karo kadib markii uu iska diiday in uu heshiis cusub u saxiixo Spurs isla markaana uu galay sanadkii ugu danbeeyay heshiiskiisa Tottenham.

SIDOO KALE AKHRISO:  GO'AAN: Lampard Oo Go'aan KHAMAAR Ah Qaadan Kara Kulanka Caawa Ee Liverpool & Xiddig Mudo Dheer Dhaawacnaa Oo Kusoo Bilaabanaya.

Haddaba halkan kaga bogo Shaxda 11 ka xidig ee ugu fiican ee wali ka bixi kara horyaalka Premier League:

Kuma koobna 11kan xidig oo kaliya balse wali ciyaartoy ka badan ayaa ka bixi kara kooxaha England maadaama oo ay kooxaha horyaalada Yurub haystaan fursad ay suuqa wali ugu sii jiri karaan.