Shaxaha Rasmiga Ah Ee Barcelona Vs Lyon & Bayern Munich Vs Liverpool- Ayaa Kooxahan Ugu Soo Bilawday Kulamadan Wax Go’aaminaya?

Waxaa caawa si rasmi ah loo dhamaystiri doonaa siddeeda kooxood ee jimcaha loo samayn doono isku aadka siddeed dhamaadka UEFA Champions league waxaana wada ciyaaraya afar kooxood oo laba ka mid ahi ay soo gudbi doonaan.

Bayern Munich ayaa Allianz Arena ku qaabilaysa kooxda Liverpool oo ay hore barbaro gool la’aan ah ugula soo gashay Anfield, waana kulan si wayn aduunka oo dhan looga sugayo haddii ay Reds awood u yeelan karto in ay Bayern ku reebto garoonkeeda ay wacdaraha ku soo dhigaysay sanadihii ugu danbeeyay.

Dhinaca kale Barcelona ayaa Camp Nou ku soo dhawaynaysa kooxda Lyon oo ay iyaduna barbaro gool la’aan ah la soo gashay kulankii France, waxayna u muuqdaan in kulamada caawa la ciyaarayaa in ay iskaga mid yihiin natiijadii kulamadii lugtii hore.

Barcelona oo rekoodh cajiib ah ku haysata Camp Nou iyo Bayern Munich oo aan la liidan ayaa loo arkaa in ay fursada ugu wayn haystaan balse wax walba ayaa ka dhici kara hal kulan oo go’aaminaya kooxaha u soo gudbaya siddeed dhamaadka UCL.

Valverde ayaan wax isbadal ah ku samayn shaxdii uu inta badan xili ciyaareedkan ku soo shaqaynayay laakiin Ousmane Dembele ayaa awoodi waayay in uu taam noqdo in uu shaxda Barca ku soo bilawdo waxaana booskiisii la wareegay Philippe Coutinho.

Laakiin Valverde ayaa Nelson Semedo ka reebay shaxdiisa maadaama oo uu hal kaadh digniin u jiro in uu ganaax ku maqnaan karo kulanka lugta hore ee siddeed dhamaadka UCL haddii ay kooxdiisu soo baxdo waxaana difaaca midig ka ciyaari doona Sergi Roberto.

Dhinaca Liverpool tababare Jurgen Klopp ayaa shaxdiisii kulankii ugu danbeeyay laba isbadal ku sameeyay wuxuuna kulankan ku soo bilaabay Jordan Hendrson iyo James Milner waxayna badaleen Fabinho iyo Adam Lallana.

Shaxda Rasmiga Ah Ee Barcelona Vs Lyon

Barcelona XI:  Ter Stegen, Jordi Alba, Gerard Piqué, Clement Lenglet, Sergi Roberto, Sergio Busquets, Arthur Melo, Ivan Rakitic,Lionel Messi, Philippe Coutinho, Luis Suárez.

Lyon XI:  Lopes; Dubois, Denayer, Marcelo, Marçal, Mendy; Tousart, Fekir, Ndombèlé; Depay, Dembélé.

Shaxda Rasmiga Ah Ee Bayern Munich Vs Liverpool

Bayern Munich XI:  Neuer, Rafinha, Sule, Hummels, Alaba, Javi Martinez, Thiago, Gnabry, James Rodriguez, Ribery, Lewandowski

Liverpool XI: Alisson, Alexander-Arnold, Matip, Van Dijk, Robertson, Milner, Wijnaldum, Henderson, Mane, Salah, Firmino.

Kaydka: Mignolet, Fabinho, Lovren, Sturridge, Lallana, Shaqiri, Origi