Shaxaha Rasmiga Ah Ee Ajax Vs Real Madrid, Tottenham Vs Dortmund-Ayuu Santiago Solari Shaxdiisa U Soo Xushay?

Real Madrid ayaa marti u ah kooxda Ajax waxayna labada kooxood iskaga hor imanayaan kulanka lugta hore ee wareega 16ka kooxood ee Champions League iyada oo Los Blancos doonaysa in ay sii wadato riyada ay markii afraad ku doonayso in ay koobka Champions league ku difaacato.

Sanatio Solari ayaa goolkiisa ku soo bilaabay goolhaye Courtois inkasta oo uu kulamada horyaalka si joogto ah ugu soo bilaabanayay waxaana difaaca bidix sii xejistay Reguilon oo markii ugu horaysay ka soo muuqanaya tartanka UEFA Champions league wuxuuna booskan ka xoreeyay Marcelo.

Dani Carvajal ayaa difaaca midig buuxiyay halka Nacho iyo Sergio Ramos ay difaaca dhexe ku soo wada bilawdeen waxaana khadka dhexe ku wada jira Casemiro, Toni Kroos iyo Luka Modric halka Gareth Bale, Karin Benzema iyo Vinicius Jr ay weerarka ku soo wada bilawdeen.

Kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa shaxda kooxdiisa ku soo bilawday wuxuuna safan doonaa kulankiisii 600 aad ee waayihiisa Real Madrid.

Saxiixa cusub ee ay Barcelona ka soo bixisay 86 milyan yuro ee Frenkie De Jong ayaa taam buuxa u noqday kulankan wuxuuna ku soo bilawday shaxda kooxda uu wali ka sii tirsan yahay ee Ajax.

Real Madrid XI: Courtois, Carvajal, Nacho, Ramos, Reguilón, Casemiro, Kroos, Modric, Bale, Benzema, Vinicius.

Ajax XI : Onana; Mazraoui, De Ligt, Blind, Tagliafico; Van de Beek, De Jong, Schöne; Ziyech, Neres, Tadic.

Shaxda Rasmiga Ah Ee Tottenham Vs Borussia Dortmund:

Tottenham XI: Lloris; Alderweireld, Sanchez, Foyth; Aurier, Winks, Sissoko, Vertonghen; Eriksen, Lucas, Son.

Borussia Dortmund XI: Bürki; Hakimi, Toprak, Diallo, Zagadou; Delaney, Witsel; Sancho, Dahoud, Pulisic; Götze.