Shaxaha Macquulka Ah Ee Goup B Ee Kulamada Celtic v Bayern München, PSG v Anderlecht Iyo Kooxaha Caawa U Soo Bixi Kara Wareega 16 Ka Kooxood Ee UCL.

Kooxaha Group B ku wada jira ayaa caawa si buuxda ugu kala bixi kara iyada oo ay ku xidhan tahay natiijada kulamada la ciyaari doona ka soo bixi doonta. Kooxda  Paris Saint-Germain ayaa saddexdii kulan ee la soo ciayaray 9 dhibcood ka soo ehshay waxayna qarka u saaran tahay inay caawa u soo gudubto wareega 16 ka kooxood laakiin kooxda ay la ciyaarasyo ee  Anderlecht ayaa saddex guuldaro la soo kulantay iyada oo aan hal dhibic ka haysan kulamadii la soo ciyaaray.

Bayern Munich ayaa 6 dhibcood soo heshay halka Celtic ay 3 dhibcood soo qaadatay. Waxay haddaba u muuqataa in PSG iyo Bayern Munich ay kaalinta kowaad iyo labaad kaga soo baxayaan Group B iyada kooxda Celtic haysata fursada ay kaalinta saddexaad ugu dhamaysan karto si ay ugu wareegi karto UEFA Europa Leaque.

Kooxda PSG ayaa soo bixi karta haddii ay guul ka gaadho Anderlecht isla markaana ayna Bayern Munich wax guuldaro ah kala kulmin Celtic, waxa kale oo ay PSG ku soo bixi kartaa barbaro ay la gasho Anderlech iyo guuldaro Celtic soo gaadha.

Bayern Munich ayaa iyaduna ku soo bixi karta guul ay ka gaadho Celtic iyo in PSG ay guuldaro ka dheeraato waxayna u muuqataa in kulamada afraadba lagu kala bixi doono Group B iyada oo PSG iyo Bayern Munich ay noqon doonaan kuwa wareega 16 ka kooxood usoo baxaya.

SHAXDA MACQUULKA AH EE CELTIC VS BAYERN MUNICH:

Celtic: Gordon; Lustig, Bitton, Boyata, Tierney; Forrest, Brown, Armstrong, Sinclair; Rogic; Dembélé

Waxaa Ka Maqnaan Doona: Roberts , Šimunović , Ralston

Bayern: Ulreich; Kimmich, Boateng, Hummels, Alaba; Martínez, Rudy; James, Thiago, Coman; Robben

Waxaa Ka Maqnaan Doona : Shabani , Lewandowski , Bernat , Müller , Ribéry , Neuer  

Waxa uu shaki ku jiraa: Coman

SHAXDA MACQUULKA AH EE PSG VS ANDERLECHT:

PSG: Areola; Dani Alves, Marquinhos, Thiago Silva, Kurzawa; Verratti, Rabiot, Draxler; Di María, Cavani, Neymar

Waxaa Ka Maqnaan Doona : Nsoki , Thiago Motta

Anderlecht: Sels; Dendoncker, Kara, Deschacht, Appiah; Kums, Trebel, Gerkens; Onyekuru, Teodorczyk, Hanni

Waxaa ka maqnaan doona : Najar

Waxa Uu Shaki Ku jiraa : Kara , Spajić

Comments

comments