Maxaa Dhaci Doona Haddii Man City Laga Cidhibtiro Champions League, Chelsea Ku Guulaysato Europa League? Arsenal Mise Man United Ayaa Fursad Heli Doonta?

Waxaa soo baxayo su’aalo badan oo layska waydiin karo waxa dhici doona haddii Manchester City ay ganaax culus kala kulanto xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA.

Laakiin arinta ayaa sii adkaan karta haddii Man City laga tuuro Champions League isla markaana ay Arsenal ku guulaysato Europa League oo ay sidaa ugu soo baxdo Champions League, waxaana lays waydiinayaa haddii Man United la soo dalacsiin karo?

Sheekada dhex taala Man City, Arsenal iyo Man United waxaa mid u baahan sharciga UEFA iyo in shuruudo gaar ah la helo si ay wax u dhici karaan.

Talaabada kowaad ee wax bilaabi kartaa waa in UEFA ay kaga dhabayso ganaaxa ay wayn ee ay la doonayso Man City kaas oo kooxda Guardiola ka galaafan kara booskooda Champions League.

Haddii ay dhacdo in Man City laga reebo Champions League, isla markaana ayna Arsenal ku guulaysan Europa League, waxaa si sahlan Champions League ugu soo bixi doonta Arsenal oo afarta sare ee premier League loo xisaabin doono.

Laakiin arinta sharaxaada u baahan ayaa ah waxa dhici kara haddii Man City laga saaro Champions League isla markaana ay Arsenal ku guulaysatao Europa League oo ay sidaa Champions League ugu soo baxdo?

Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa shaaciyay war aan u fiicnayn dhegaha Man United kaas oo ah in haddii ay Chelsea ku guulaysato Europa League ay koox reer France ahi heli doonto booska ay kooxda Europa League ku guulaysataa ugu soo bixi lahayd Champions League.

Arintan ayaa la micno ah in Man United ayna haysan wax fursad ah oo ay sinaba ugu soo bixi karto Champions League xataa haddii Man City laga ganaaxo tartanka UEFA Champions League.

Qoraal ay UEFA ku sharaxday arintan ayaa ciwaan looga dhigay: “Maxaa dhacaya haddii ay Chelsea ku gulaysato UEFA Europa League?”.

Kadib qoraalka ayaa lagu yidhi: “Sida Liverpool, Tottenham iyo Championska Premier league ee Man City, waxay Blues ayaa sidoo kale xaqiijisatay heerka guruubyada UEFA Champions League, kadib markii ay horyaalka heerka kowaad ee England kaalinta saddexaad kaga dhamaysteen”.

Qoraalka oo sharaxaad dheeri ah loogu quus goynayo Man United ayaa lagu yidhi: “Haddii ay iyagu (Chelsea) ku guulaystaan Baku (finalka Europa League), booskoodii ay sida tooska ah ugu soo bixi lahaayeen, waxaa loo gudbin doonaa kooxda kaalinta saddexaad ee xidhiidhka qaranka kaalinta shanaad ku jira oo France ah”.

Sidaa daraadeed, haddii ay Chelsea ku guulaysato Europa league booskii ay Man United heli kari lahayd hadii Man City laga ganaaxo  ayay kooxda kaalinta saddexaad ee horyaalka France ay ku guulaysan doontaa.

Laakiin arinta kale ee xusuusinta mudan ayaa ah in haddii ay Chelsea ku guulaysato Europa league oo Man City la ganaaxo in ay xataa Man United wax fursad ah heli doonin maadaama oo ay Arsenal kaalinta shanaad ku dhamaysatay oo ay fursada hore yeelanayso.