Shaqadii Uu Louis van Gaal Ka Qabtay Man United Ayaa Ka Fiican Shaqada Uu Mourinho Ka Qabayo United.

Manchester United ayaa tababarihii saddexaad maraysa tan iyo markii uu Sir Alex Ferguson shaqada ka fadhiistay sanadkii 2013 kii laakiin David Moyes, Louis van Gaal  iyo Jose Mourinho ayaa dhamaantood ku dhibtooday in ay gaadhaan heerkii uu Sir Alex Ferguson ka dhigay Old Trafford.

Laakiin xidigii hore ee kooxda Manchester United ee  Arnold Muhren ayaa aaminsan in Louis van Gaal uu qabtay shaqo ka fiican inta uu hadda Man United ka qabanayo Jose Mourinho kaas oo xili ciyaareedkiisii saddexaad ku qaadanaya Old Trafford.

Arnold Muhren ayaa Manchester United ka soo ciyaaray muddadii u dhexaysay 1982 ilaa 1985 kii wuxuuna aaminsan yahay in Jose Mourinho uu danbiile ku yahay in United ay ku dhibtoonayso tartamada ay ku jirto wuxuuna ku dooday in Van Gaal oo aan isba guulaysan uu dhaamay Mourinho.

Xidigii hore ee Man United ee Arnold Muhren oo xaalada Mourinho ee Man Unted ka hadaya isla markaana Van Gaal barbar dhigaya ayaa yidhi: “Ka hor Mourinho waxaa joogay  Louis van Gaal, sidoo kale isaguna muu guulaysan”.

Arnold Muhren oo hadalkiisa sii faah faahinaya ayaa yidhi: “England dhexdeeda, waxay markaasba bilaabaan in ay raadiyaan tababare ka fiican laakiin dhamaadkii waxaan filayaa in Van Gaal uu shaqo ka fiican qabtay waxa uu Mourinho qabanayo”.

Muhren oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Haa Mourinho waxa uu ku soo guulaystay EFL Cupka, laakiin taasi wax badan ma aha, inkasta oo uu iska dhig dhigo in ay wax badan la micno tahay, laakiin muhiim u uma aha sida FA Cupka. Koox la mid ah United, wax wayn lama aha ku guulaysiga finalkii Europa League ee kulankii Ajax, taasi wax khaas ah ma aha, miyay tahay?”.