Shaqaalaha Shirkadii Juventus Ka Caawisay Heshiiskii Qaaliga Ahaa Ee Cristiano Ronaldo Oo Shaqo Jooin Samaynaya Iyo Mulkiilaha Juvnetus Oo Shhirkadan Saamiga Ugu Badan Ku Leh.

Shaqaalaha shirkadda baabuurta FIAT ayaa qorshaynaya inay shaqoojin ballaadhan sameeyaan oo ay dhamaan hawlihii shirkaddu istaagto, kaddib markii ay ogaadeen in FIAT ay maalgelisay heshiiskii ay Juventus kula soo wareegtay Cristaino Ronaldo oo ay ka bixisay lacag dhan 112 milyan oo Euro.

Shirkadda FIAT ee baabuurta samaysa iyo kooxda kubadda cagta Juventus ayaa waxa gacanta ku haya oo maamula qoyska qaniga ah ee Agnelli family waxayna waliba shirkada FIAT bixin doontaa mushaarka Cristiano Ronaldo ee Juventus iyada oo xayasiino dhaafsan doonta.

Qoyska Agnelli ee maamulka kooxda Juventus iska leh ayaa saamiga ugu badan ku leh shirkada TIAT waxayna wararku sheegeen in sanadihii la soo dhaafay aan wax mushaar kordhin ah loo samayn shaqaale waynaha shirkadan taas oo keenaysa in ay qoyska Agnelli ku mudaharaadaan oo ay shaqo joojin sameeyaan.

Shaqaalaha ayaa dalbaday in shirkaddu ay tahay inay damaanad qaaddo kumannaanka qof ee shirkadda ka shaqeeya halka ay hal qof oo ah Cristiano Ronaldo ay taajirka ka dhigayaan waxayna sheegeen in lacagta mushaarka Ronaldo ee hal sano ay qoysas badan ku filnaan karto waqti dheer.

Ururka ay ku midaysan yihiin shaqaalaha FIAT ee magaciisa loo yaqaano Fiat Chrysler ayaa waxay sheegeen in go’aanka shirkaddu ku maalgelisay iibka Cristiano Ronaldo uu yahay mid aan la aqbali karin oo ay lacag malaayiin ah ku kharash garaysay iibka hal ciyaartoy, halka shaqaalaheeduna u baahan yihiin damaanad nololeed.

Juventus ayaa Salaasadii ku dhowaaqday inay heshiis afar sannadood ah la gashay 33 jirka reer Portugal ee Ronaldo, hase yeeshee shaqo joojinta ayaa hoos u dhac dhaqaale ku keenaysa Fiat.

Si kastaba ha ahaatee, khabiirka dhaqaalaha ciyaaraha ee Rob Wilson oo ka tirsan jaamaacadda Sheffield Hallam University ayaa waxa uu sheegay in Juventus ay ka heli doonto Ronaldo lacag ka badan intii ay kusoo iibsatay iyo inta ay mushaharka u siinaysaba.