Shaqaalaha Arsenal Oo Loo Tababarayo Sidii Ay U La Dagaalami Lahaayeen Dooliga Ama Jiirka Ku Batay Emirates Stadium

Shaqaalaha Arsenal ee garoonka Emirates Stadium ayaa loo diray tababar ay ku baranayaan sida loola dagaalamo cayayaanka iyo bahalada iyadoo garoonka uu ku batay dooli ama jiir.

Sida ay sheegtay Daily Mail, garoonka ayaa ka mid labo garoon oo kooxaha Premier League leeyihiin oo aan shan xiddig ka heysanin dhanka nadaafada.

Gunners ayaa afar xiddig lagu siiyay nadaafada garoonkooda iyaga iyo kooxda ku cusub horyaalka ee Aston Villa.

Madaxda kooxda ayaa u yeertay khubaro si ay xal ugu helaan dhibaatadaan dooliga ama jiirka oo soo jirtay in muddo ah.

Dadka indha indheeya fayadhowrka garoomada ayaa ku amaanay Arsenal sida ay u la dagaalamayaan dooliga iyadoo garoonka Emirates Stadium oo qaada 60 kun taageerayaal ah la furay sannadii 2006 iyadoo ay ku baxday 390 milyan ginni.

Si kastaba, warbixintii ugu danbeysa ee fayadhowrka ee horaantii sannadkan ayaa hoosta ka xariiqday dhowr arimood oo weli aan xal loo helin.

Warbixin la soo saaray seddex sannadood ka hor ayaa lagu ogaaday in dooli ama jiir uu ka buuxo dhamaan afarta dabaq ee garoonka.

Saxarada dooliga ayaa lagu arkay dhowr meelood iyadoo shaqaalaha garoonka aysan war u heynin.

Kooxda ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inay ka gaabisay nadaafada guud ee garoonka Emirates, waana mid ka mid ah garoomada ugu qaalisan ee ciyaar lagu daawado.