Shan Xidig Oo Chelsea Oo Fashilmay, OOhintii Goolhaye Martin Iyo Qiimaynta Ciyaartoyda Blues Iyo West Ham Ee Kulankii Uu Lampard Waji Gabaxa La Kulmay.

Advertisements

Chelsea ayaa guuldaro xanuun badan garoonkeeda Stamford Bridge kagala kulantay kooxda ay London ka wada dhisan yihiin ee West Ham United waxayna Blues is arkaysaa iyada oo meel xun kaga jirta kala saraynta Premier League.

Haddii laba todobaad ka hor ay Chelsea ahayd kooxda saddexaad ee loo saadaalinayay koobka Premier League oo ay ka horeeyeen Liverpool iyo Man City, waxay hadda is arkaysaa iyada oo 14 dhibcood hoos uga dhacday hogaanka Premier League

Laakiin Chelsea waxay wali ku jirtaa kaalinta afraad iyaga oo 6 dhibcood ka sareeya Tottenham oo Jose Mourinho uu si layaableh sare ugu soo qaaday.

Hadaba waxaanu halkan idiinku haynaa qiimayntii ciyaartoyda Chelsea iyo West Ham United ee kulankii Stamford Bridge.

Advertisements

XIDIGII GAROONKA: Goolhayaha kooxda West Ham United ee David Martin ayaa loo doortay xidigii garoonka ugu fiicnaa kadib markii uu Chelsea uga dhaartay in ay hal gool ku dhaiyaan garoonkooda Stamford Bridge isla markaana uu Hammers ka caawiyay guul muhiim u ahayd Pellegrini.

Goolhaye David Martin ayaa kooxdiisii carruurnino ee West Ham United waxa uu kulankiisii ugu horeeyay ee Premier League uu ugu ciyaaray isaga oo 33 sano jir ah kadibna waxa uu xejisan kari waayay oohinta markii uu guul iyo shabaqa nadiif ah Chelsea ku helay.

Laakiin waxaa jira shan ciyaartoy oo uu Lampard kulankan ku soo bilaabay oo dhamaantood fashil garoonka kaga baxay waxayna kala yihiin Zouma, Tomori, Mason Mount, Pedro Rodriguez iyo Giroud.

Waxa kale oo aan waxba soo kordhin Willian iyo Hudson-Odoi oo badal ciyaarta ku soo galay inkasta oo Kante uu isbadal fiican sameeyay.

Qiimaynta Ciyaartoyda Chelsea iyo West Ham United.

Chelsea: Kepa (6), James (6), Zouma (5), Tomori (5), Emerson (6), Jorginho (6), Kovacic (6), Mount (5), Pedro (5), Pulisic (6), Giroud (5).

Subs: Kante (6), Willian (5), Hudson-Odoi (5).

West Ham: Martin (8), Fredericks (6), Balbuena (8), Ogbonna (7), Cresswell (8), Noble (7), Rice (7), Fornals (7), Snodgrass (7), Anderson (6), Antonio (7).

Subs: Yarmolenko (6), Haller (5), Masuaku (n/a).

Man of the Match: 

Advertisements