Shan Ciyaartoy Oo Soo Laabtay, Laba Xidig Oo Wali Maqan Iyo Ernesto Valverde Oo Maanta Dib U Bilaabay Tababarka Kooxdiisa Barcelona.

Kadib kulamadii caalamiga ahaa ee xulalka qaramada aduunka waxa uu maanta tababaraha kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde uu xarunta tababarka kooxdiisa dib ugu soo dhaweeyay shan ciyaartoy oo shaxda kooxdiisa muhiim ka ah laakiin waxaa wali ka sii maqnaa laba xidig oo kale kuwaa soo aan wali soo gaadhin koxodiisa maadaama oo ay safar dheer soo galayaan.

Ernesto Valverde ayay warka ugu fiican u ahayd in Lionel Messi uu nasiino qaatay waqtigii kulamada caalamiga ah maadaama oo aanu qayb ka ahayn xulka qarankiisa Argentina ee kulamadii saaxiibtinimo soo ciyaaray wuxuuna Messi ka sii mid ahaa xidigo kale oo aan xulalkooda qayb ka ahayn oo uu Gerard Pique ka mid yahay.

Waxaa maanta oo khamiis ah tababarka Barcelona dib ugu soo laabtay xidigaha ree Spain ee Sergio Busquets iyo Sergi Roberto oo laba guulood la soo gaadhay xulka qarankooda Spain kuwaas oo farxad kala soo laabtay kulamadii ugu horeeyay ee ay markale Luis Enrique kula shaqeeyeen.

Waxa kale oo maanta xarunta tababarka Barcelona ku soo laabtay Ivan Rakatic oo guuldaro wayni xulka qarankiisa Croatia kaga soo gaadhay Spain halka sidoo kale ay uu Valverde dib u helay Arturo Vidal oo kulamadii Chile soo ciyaaray isla markaana dhaawac laga shaki sanaa oo soo gaadhay uu wax sahlan noqday.

Thomas Vermaelen oo xulka qarankiisa Belgium ku maqnaa ayaa sidoo kale tababarkii maanta ka soo xaadiray halka da’yarta Barca B ee Juan Miranda iyo Alex Collado ay qayb ka ahaayeen tababarkii uu Valverde maanta bixiyay.

Laakiin Barcelona ayaan wali dib u helin xidiga ree Brazil ee Philippe Coutinho iyo Arthur Melo kuwaas oo safar dheer soo galiya waxayna ka maqnaayeen tababarkii maanta oo khamiis ah ee kooxdooda Barcelona kadib markii ay ka qayb galeen kulamadii xulkooda Brazil ee la soo ciyaaray.

Coutinho oo ku soo wada bilawday labadii kulan ee xulkiisa Brazil soo ciyaaray ayaa isaga iyo Arthur Melo waxay tababarka Barcelona ku soo laaban doonaan barri oo jimce ah iyada oo markaas uu Valverde wada heli doono kooxdiisa oo dhamaystiran.

Barcelona ayaa haddaba isku diyaarinaysa kulanka horyaalka La Liga ee ay booqanayso kooxda xaalada ku adkaysa ee  Real Sociedad balse Valverde ayaa ku faraxsan in wax dhaawacyo ahi ayna ciyaartoyda kooxdiisa soo gaadhin kulamadii caalamiga ahaa.