AKHRISO: Shan Dhibaato Oo Uu Waajahayo Difaaca Real Madrid Ee Marcelo Oo Maanta 32 Jir Noqday

Difaaca reer Braziil ee Marcelo, waxa uu Real Madrid ku qaatay waqti qurux badan oo guulo hadheeyeen, waxaanu Salaasadii maanta u dabbaal-degay dhalashadiisa 32aad.

Laacibkan oo Real Madrid ay soo iibsatay isaga oo 18 jir ah, waxa uu kula guuleystay koobab badan muddadii uu joogay Sanatiago Bernabeu, waxaanu soo qaatay 14 sannadood oo farxad iyo rayn-rayn ah, laakiin wixii hadda ka dambeeya dhibaatooyin iyo mashaakil hor leh oo aan farxaddii hore suurtogelinayn ayaa ka horreeya.

Wargeyska Marca ee kasoo baxa waddanka Spain ayaa waxa uu soo bandhigay shan caqabadood oo aan hore u haysanin oo Marcelo uu waajihi doono wixii ka dambeeya hadda, kuwaas oo qaarkood sababi karayaan inuu bannaanka uga baxo garoonka uu cimrigiisa oo dhan joogay, waxaanay kala yihiin.

Tartan uu la gelayo Mendy

Ferland Mendy soo bixitaankiisu waxay siisay Zinedine Zidane inuu ka nefiso dhaawacyadii tirada badnaa ee Marcelo, isla markaana aanu maqnaanshihiisa dareemin xilligii uu sariir-yaalka ahaa.

Laacibka reer Brazil ayaa waxa xili ciyaareedkan hakadka ku jira iyo kuwa dambeba sugaya tartan adag oo booskiisa ah oo difaaca reer France ee xagaagii ay Real Madrid soo iibsatay uu kala kulmi doono, kaas oo haddii uu bandhigga gudaha garoonka kaga guuleysan waayo uu kaydka u degi doono.

Inuu noqdo ciyaartoygii ajaanibka ahaa ee kulamadii ugu badnaa u saftay Real Madrid

Waxa ka horreeya oo uu eryanayaa Roberto Carlos oo ah laacibka ajaanibka ah ee aan u dhalanin Spain ee kulamadii ugu badnaa u saftay Real Madrid.

Carlos waxa uu Real Madrid u saftay 527 ciyaarood, Marcelo na waxa uu ciyaaray 505, halka Karim Benzema uu kaabiga usoo saaran yahay oo uu 501 ciyaarood u dheelay.

Inuu dib usoo ceshado saamayntii uu ku lahaa garoomada

Saamayntii uu Marcelo ku lahaa gudaha garoonka hoos u dhac weyn ayaa ku yimid sannadihii ugu dambeeyey.

Xili ciyaareedkan waxa kaliya oo uu saftay 19 kulan oo uu dhaliyey kaliya hal gool, halka uu xili ciyaareedkii hore shabaqa taabsiiyey saddex gool 34 ciyaarood oo uu dheelay.

Dhinaca kale, 2017/18 ayuu shan gool dhaliyey 44 ciyaarood oo uu saftay iyo sannadkii kasii horreeyey oo 47 ciyaarood oo uu dheelay uu ku dhaliyey saddex gool.

Labadii xili ciyaareed ee 2016/17 iyo 2017/18 waxa uu caawiyey 13 gool iyo 11 gool sida ay u kala horreeyaan, balse sannadkii hore waxa kaliya oo uu caawiyey lix gool halka uu kan socdana shan gool sameeyey.

Inuu jabiyo rikoodhkii koobabka ee Gento

Paco Gento ayaa ugu sarreeya liiska ciyaartoyda Real Madrid ee koobabkii ugu badnaa ku guuleystay, waxaana u diiwaan-gashan 23 koob.

Serio Ramos, Manola Sanchis iyo Marcelo waxa uu mid walba ku guuleystay 21 koob, waxaanay u baahan yihiin saddex koob oo kale si ay rikoodhka Gento u jabiyaan.

Inuu dib ugu soo laabto xulka qaranka Brazil

Marcelo laguma soo darin xulka qaranka Brazil ee tartankii Copa America 2019 oo lagu qabtay dalkaas, ayna ku guuleysteen.

32 jirkan difaaca bidix oo dalkiisa kula guuleystay Koobkii qaaradaha, waxa uu u hammuun-qabaa in tababare Tite uu kusoo daro liiska ciyaartoyda Brazil ee sannadka dambe ka qayb-gelaya Copa America.

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook