Shaki La’aan Real Madrid Waa Riyada Eden Hazard – Halkan Kaga Boggo Afar Jeer Ee Uu Xiddiga Chelsea Qarsan Kari Waayay Jacaylka Uu U Qabo Ku Biirida Los Blancos.

Real Madrid ayaa suuqyadii ugu dambeeyay xiiso weyn u muujinaysay garabka kooxda Chelsea iyo xulka Belgium ee Eden Hazard balse Real kali kuma ahayn xiisahaas maadaama oo uu xiddiga qudhiisu dhawr jeer si cad saxaafada uga hore sheegay xiisaha uu u qabo Los Blancos.

Eden ayaa markasta sheega in tababarihii hore ee kooxdaas ee Zinadine Zidane uu yahay shaqsiga uu kaga daydo kubadda cagta, Sidoo kale waxa aanu marnaba qarin xiisaha uu u qabo Madrid wakhtiyadiisa kala duwan ee uu ku kala sugnaa kooxaha Lille iyo Chelsea.

February 7, 2016 ayay ahayd markii Hazard oo u warramayay wargeyska  L’Equipe uu qirtay inuu jeclaan lahaa inuu kahoos ciyaaro Zidane oo u ahaa shaqsiga uu taageeraha u yahay waxaana uu yidhi wakhtigaas “Waxay ahaaan lahayd mid khaas ah haddii Zidane oo ahaa midka aan ku daydo uu i tababaro”

Markale November 23rd, 2017 ayay ahayd markii Hazard uu ku celiyay sida uu u qadariyo Real Madrid ee uu markasta ula soo dhacsanaa kooxdaas waxaana uu yidhi “Ma qarin doono inaan mar-walba la dhacsanaa Real Madrid”

Sidoo kale June 18th, 2018 Hazard uu xulkiisa Belgium ku matalaya Koobk Aduunka ayaa yidhi hadal uu ku dhiirigelinayo Los Blancos isla markaana uu ku sheegay inay garanayaan wadada ay usoo marayaan haddiiba ay xiiso u qabaan, “Haddii Real Madrid ay doonayso inay ila saxeexato, Way garanayaan waxa ay tahay inay sameeyaan”

Ugu dambayn, Hazard oo la filayay inuu ka qalbi jabo Los Blancos kaddib bixitaankii Zinadine Zidane ayaa sheegay hadal farxad geliyay kooxda waxaana u yidhi “Zidane iyo Zidane la’aan Real Madrid waa riyada qof walba”