Shabakada GOAL Oo Qiimayn Ku Samaysay Saxeexyadii Ugu Fiicnaa Ee Ay Kooxaha Ree Yurub Sameeyeen Xagaagii & 15 Xiddig Oo Ay U Aqoonsadeen Kuwo Ilaa Haatan Lagu Najaxay.

Shabakada caanka ku ah qiimaynaha xiddigaha iyo kooxaha ugu waaweyn qaarada Yurub ayaa markan qiimayn buuxda ku samaysay saxeexyada ugu fiican ee ay kooxaha ree Yurub sameeyeen suuqii xagaaaga xilli ay shaaciyeen liiska 15 xiddig oo ay u arkaan kuwoo faa’idada ugu badan laga helay.

Kooxo badan oo waaweyn ayaa sameeyay saxeexyo ay lacago badan kasoo bixiyeen, Tusaale ahaan Liverpool iyo Manchester United ayaa lacago waali ah kasoo bixiyay Fabinho iyo Fred sida ay u kala horreeyaan balse xiddigahaas ayaa gabi ahaanba u muuqda kuwo falaagoobay.

Waxaan halkan idiinku soo gudbin doonaa liiska 15-ka xiddig ee ay shabakada GOAL u aqoonsatay kuwa ugu wanaagsan ee ay suuqii xagaaga kala saxeexdeen kooxaha ree Yurub.

Jorginho

Jorginho ayaa u muuqda mid marba marka ka dambaysa cadaynaya qaabka uu tababare Maurizio Sarri ugu saxsanaa inuu u doortay xiddiga Chelsea furaha ugu noqon kara falsafadiisa cusub, Xiddigan asal Brazilian-ka ah ayaa sidii uu hore ugu soo sameeyay Napoli leh baas cel-celis ahaan ah 100 baas kulankiiba waxaana uu kooxdiisa ka dhigay kuwo si dhab ah ugu tartamaya horyaalka.

Gonzalo Higuain

AC Milan ayay macquul tahay inay wax yar ka cadhooto in Andre Silva oo ay amaah ku direen uu gool dhaliye weyn u noqday Sevilla balse Higuain ayaa midaas ilawsiinaya, Heshiiskii amaahda ahaa ee ay Rossoneri 16-ka Milyan kaga soo bixisay xiddigan ayaa u muuqda mid lagu najaxay kaddib markii uu 6 gool ku dhaliyay 7 kulan.

Paco Alcacer

Paco Alcacer ayaa kaliya afar kulan u saftay Borussia Dortmund tan iyo markii uu heshiiska 2 Milyan ah ee amaahda ah ugu soo wareegay waxaana uu mudadaas dhaliyay LIX gool, 25 jirkan ayaa ah gool dhaliyaha ugu sarreeya Bundesliga waxaana cajiib ah inuu goolashaas kaliya ku dhaliyay kaliua 81 daqiiqo.

 

Halkan kaga boggo liiska 15-ka xiddig ee ay shabakada GOAL u aqoonsatay kuwa ugu fiican ee suuqa laga helay:

  1. Jorginho

  2. Gonzalo Higuain

  3. Paco Alcacer

  4. Jonathan Bamba

  5. Joao Cancelo

  6. James Maddison

  7. Rui Patricio

  8. Krzysztof Piatek

  9. Alassane Plea

  10. Richarlison

  11. Andre Silva

  12. Tomas Vaclik

  13. Axel Witsel

  14. Javairo Dilrosun

  15. Lebo Mothiba